DF Soomaaliya oo maanta dhaqan-gelisay amar saameyn culus ku yeeshay Puntland

DF Soomaaliya

Waxaa maanta oo ah 1-da Oktoobar guud ahaan dalka

  Waxaa maanta oo ah 1-da Oktoobar guud ahaan dalka ka dhaqan-galay amarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in qof kasta oo raacaya diyaaradaha kuna safraya gudaha dalka uu wato Kaarka Aqoonsiga Qaranka eeNIRA Tallaabadan ayay Dowladda Federaalka sheegtay inay uga gol-leedahay sida loo ilaalin lahaa manig dalka iyo la socodka dhaq-dhaqaaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed

Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Socdaalka

Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu wargeliyay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee safraya inay horay usoo qaataan kaarka NIRA, iyadoo la faray inay hoggaansamaan amarka cusub ee soo baxay hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxa ay dhammaan muwaadiniinta u safraya gudaha gobolada dalka ku wargelinayaan in ay horay usoo qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka ama Shahaadada Aqoonsiga laga bilaawo 1da Oktoober 2026,” ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Dowladda Soomaaliya

Dhanka kale, amarkan ayaa lagu soo warramayaa inuu 

Dhanka kale, amarkan ayaa lagu soo warramayaa inuu durbadiiba saameeyay diyaaradaha isaga kala goosha magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe, iyada oo qaar kamid ah ay saaka baaqdeen, sababa la xiriirta istcimaalka kaarka NIRA arrintan ayaa kusoo beegmeysa, xilli uu weli taagan yahay khiaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland, kaas oo ku saabsan hirgelinta kaarka aqoonsiga NIRA

Puntland ayaa horay uga hortimid in Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ay xarun ka furato deegaannadeeda, tallaabadaas oo caqabad ku noqotay in shacabka maamulkaas ay helaan kaarka NIRA oo hadda si rasmi ah uga dhaqan-galay guud ahaan dalka

Post a Comment

0 Comments