Xildhibannada kala ah Cabdirisaaq Cabdullahi Macalin
Xildhibannada kala ah Cabdirisaaq Cabdullahi Macalin ( Ciid), Cabdinaasir Xaaji Shirwac, iyo Maxamed Cabdullahi Buraale ayaa kulan gaar ah la qaatay hogaamiye ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Cabdifataax Xassan Afrax oo ku sugan magaalada Baladweyne kulankan ayaa ka qabsoomay guriga uu ka degan yahay xaafadda Ceeljaale magaalada Baladweyne hogaamiye ku xigeenka Hirshabeelle Cabdifataax Xassan Afrax
Xildhibannada ayaa ka dalbaday hogaamiye ku xigaanka
Xildhibannada ayaa ka dalbaday hogaamiye ku xigaanka maamulka Hirshabeelle inuu u tanaasulo danta dadka reer Hiiraan islamarkana garab istaago dadalaada uu wado Ugaas Yuusuf Ugaas Xassan dhankiisa hogaamiye ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Cabdifataax Xassan Afrax ayaa xildhibannada ka codsaday in fursad loo siiyo sidii u xalin lahaa tabashada jirta isagoo sheegay in hadii uu xalin waayo uu dadkiisa dhinac ka raaci doono
Kulan maalin ka hor beerta Bishaar Afey ee duleedka
Kulan maalin ka hor beerta Bishaar Afey ee duleedka magaalada Baladweyne ku dhaxmaray hogaamiye ku xigeenka Hirshabeelle Cabdifataax Xassan Afrax iyo xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaan ilaa hadda la ogeyn arrimaha looga hadlay iyo natiijada ka soo baxday magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda kulamo looga arinsanayo xaaladda siyaasadeed ee gobolka iyo sidii loo dhisi lahaa
Hirshabeelle cusub kadib markii siyaasiinta iyo waxgaradka gobolka Hiiraan ay saluug ka muujiyeen hanaanka loo doortay hogaanka cusub ee Hirshabeelle ugu dambeyn xildhibaan Cabdirisaaq Cabdullahi Macalin ( Ciid) ayaa beertiisa oo ku taalla deegaanka Ceelgaal ee gobolka Hiiraan qado sharaf ugu sameeyay Ugaas Yuusuf Ugaas Xassan oo ay weheliyaan xildhibannada kala ah Cabdinaasir Xaaji Shirwac, Maxamed Cabdullahi Buraale, guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Muuse Salaad Weheliye iyo siyaasiga Maxamed Daahir


0 Comments