Khubaro Qaramada Midoobay ka tirsan oo sharci-darro ku tilmaamay xil-ka-qaadistii Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya

Qaramada Midoobay

Laba khabiir oo Qaramada Midoobay u qaabilsan

 Laba khabiir oo Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha iyo madax-bannaanida garsoorka ayaa cambaareeyay xil-ka-qaadistii Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf Axmed, iyagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo ka hor imaanaysa habraacyada dastuuriga ah iyo madax-bannaanida hay'adaha garsoorka Khabiiradu waxay sidoo kale ku baaqeen in Baashe Yuusuf Axmed dib loogu soo celiyo xilkiisa

Ciidamada ammaankana laga qaado xarunta Maxkamadda Sare

Ciidamada ammaankana laga qaado xarunta Maxkamadda Sare, isla markaana dib loogu soo celiyo ilaaladii gaarka ahayd ee laga qaaday garsoorayaasha war-saxaafadeed ay soo saareen 12-kii November, Margaret Satterthwaite, oo ah khabiirka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan madax-bannaanida garsoorayaasha iyo qareennada, iyo Ben Saul oo qaabilsan xuquuqda aadanaha xilliyada la dagaallanka argagixisada, ayaa sheegay in xil-ka-qaadista guddoomiyaha oo lagu fuliyay wareegto madaxweyne aysan waafaqsanayn habraacyada dastuuriga ah

Waxay tilmaameen in go'aanka aan loo marin ansixinta

Waxay tilmaameen in go'aanka aan loo marin ansixinta Baarlamaanka Federaalka ama soo-jeedin ka timaadda Guddiga Adeegga Garsoorka, taas oo ay sheegeen inay dhaawacayso sarreynta sharciga iyo madax-bannaanida garsoorka khabiirada ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay magacaabista iyo dhaarinta guddoomiye cusub oo dhacday maalmo gudahood markii xilka laga qaaday Baashe Yuusuf Axmed, iyagoo sheegay in tallaabadaasi aysan waafaqsanayn habraacyada sharciyeed ee lagu maamulo magacaabista garsoorayaasha

Khilaafkan ayaa cirka isku shareeray tan iyo 4-tii November, markii xilka laga qaaday guddoomiyihii Maxkamadda Sare, xilli maalintii xigtay ay maxkamaddu qorsheynaysay inay go'aan ka gaarto sharciyadda muddo-kordhinta hay'adaha dowladda shan garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare ayaa markii dambe soo saaray go'aan ay ku sheegeen in muddo-kordhinta madaxweynaha iyo Baarlamaanku aysan sharci ahayn, muddadii xilhayntooduna dhammaatay

Iyagoo ku baaqay in doorashooyin la qabto muddo 90 maalmood gudahood ah garsoorayaashu waxay sidoo kale ku tilmaameen xil-ka-qaadista guddoomiyaha mid dastuurka baalmarsan, islamarkaana ujeeddadeedu ahayd in la hor istaago dhageysiga dacwadda la xiriirta muddo-kordhinta khabiirada Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan u hoggaansamin go'aannada maxkamadda, balse ay ciidamo badan geysay xarunta Maxkamadda Sare, arrintaas oo ay ku tilmaameen isku day lagu cabsi-gelinayo garsoorayaasha

Waxay intaas ku dareen in toddoba garsoore laga qaaday ilaaladii gaarka ahayd, sidoo kalena laga mamnuucay inay dalka ka safraan dhanka kale, 7-dii November ayaa munaasabad ka dhacday Muqdisho lagu dhaariyay Ibraahim Iidle Suleymaan oo loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare, iyadoo uu goob-joog ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Khabiirada Qaramada Midoobay ayaa xusay in garsoorayaashu ay waajib ku tahay inay go'aannadooda ku gaaraan xorriyad buuxda, iyaga oo aan la kulmin cadaadis

Hanjabaad ama faragelin siyaasadeed, isla markaana aan xilka looga qaadi karin sababo aan waafaqsanayn sharciga waxay sidoo kale ka digeen in khilaafka hay'adaha garsoorka iyo wax-ka-beddellada dastuuriga ah ee muranka ka taagan yihiin ay wiiqi karaan dadaallada amniga iyo la-dagaallanka Al-Shabaab, xilli Soomaaliya ay wajahaysa caqabado amni oo waaweyn "Waxaan cambaareyneynaa isku day kasta oo lagu cabsi-gelinayo garsoorayaasha iyo hanjabaadaha halista ku ah ammaankooda

Waa in si degdeg ah dib loogu soo celiyaa ilaaladooda gaarka ah, ciidamada ammaankana waa inay ka baxaan goobahaas," ayay ku sheegeen bayaanka ilaa hadda, dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan soo saarin jawaab rasmi ah oo ku saabsan bayaanka khubarada Qaramada Midoobay

Post a Comment

0 Comments