Gelinkii dambe ee isniinta April 28-keedii, shaqaalaha
Gelinkii dambe ee isniinta April 28-keedii, shaqaalaha iyo dadkii ku sugnaa bangi ku yaala degmada Kendujhar ee gobolka Odisha ee dalka Hindiya ayaa aad u argagaxay kadib markii nin 52 jir ah oo garabka ku wata walaashii oo mayd ah uu soo galay dhismaha bangiga ninkan oo lagu magacaabo Jeetu Munda ayaa isku dayay inuu lacag dhan 19,300 oo Rubi kala baxo akoonka walaashii walaashiis Kalra Munda oo 56 jir ahayd, waxay ahayd caawiye, waxayna ku noolayd guriga walaalkeed, waxay dhimatay laba bil ka hor
Dhowr bil ka hor, walaashii Kalra waxay iibisay
Dhowr bil ka hor, walaashii Kalra waxay iibisay mid ka mid ah weylaheeda waxayna ku shubtay lacag dhan 19,300 oo rubi banki maxalli ah inkan lagu magacaabo Jeetu Munda ayaayiri, "Waxaan dhawr jeer isku dayay in aan ku qanciyo maareeyaha bangiga in walaashay geeriyootay, haddana aan u baahanahay in aan lacag kala baxo akoonkeeda, laakiin maareeyaha baanku wuu iga diiday inuu i dhegaysto, waxaanu ku adkaystay in aan keeno caddaynta geerida walaashay, oo maydka walaashay baan keenay caddayn ahaan
Sida uu sheegay Jeetu, waxa uu goor hore gaaray
Sida uu sheegay Jeetu, waxa uu goor hore gaaray goobta lagu gubay maydka oo saddex KM u jirta tuuladiisa, halkaas oo uu ka soo ururiyay haraagii maydka walaashii, waxaanu ku soo guray bac, isagoo kulayl daran ku soo qaaday Bankiga Si kastaba ha ahaatee, shaqaalaha bankiga ayaa argagaxay goobta, waxayna markiiba u yeereen ciidamada booliska iyo maamulka degmada saraakiisha Booliska iyo Maamulka Degmada ayaa ku qanciyay Jeetu in la dhageysan doono, isla-markaana uu meydka walaashii dib ugu celiyo goobta meydka lagu aasay Markii uu hubanti ka helay maamulka, Jeeto waxa uu mar kale soo qaaday haraaga maydka walaashii oo uu saddex kiilo mitir dib ula lugeeyay
Maamulaha Bangiga Grameen ee Odisha ayaa yiri, "Markii Jeetu u yimid inuu lacag la baxo, waxaa loo sheegay in qofka ay khusayso ay tahay in uu yimaado bangig Maareeyaha Bankiga ayaa ku andacooday in uu jiro qaab lacag loogala baxayo Akoonka qofka dhintay, balse Jeetu ayaa markii hore shaqaalaha Bankiga u sheegtay in walaashii ay naafo tahay oo aysan imaan karin bangiga sida laga soo xigtay maareeyuha, "Markii aan u sheegay in shaqaalaha bangiga ay aadi doonaan gurigiisa si ay u xaqiijiyaan in walaashii ay naafo tahay, wuxuu ii sheegay in walaashii ay geeriyootay
Maareeyaha Bankiga ayaa sheegay in haweeneyda geeriyootay iyo labo kale oo ay qaraabo ahaayeen ay sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay u yimaadeen inay lacag kala baxaan bankiga, sidaasi darteedna Jeetu laga dalbaday inuu keeno cadeymo muujinaya inuu xaq u leeyahay lacagtaasi.

0 Comments