Daraasad dhowaan soo baxday ayaa sheegtay
Daraasad dhowaan soo baxday ayaa sheegtay in garaadka macmalka ah loo isticmaalay in lagu horumariyo nooc "gabi ahaanba cusub" oo tallaal ah, kaasi oo laga yaabo in uu ka hortago fayrasyo badan, isagoo ka hortagaya faafitaanka cudurrada dillaaca kooxda cilmi-baadhista ee soo saartay tallaalkan oo ka tirsan Jaamacadda Cambridge ayaa sheegtay in ay tani tahay markii ugu horraysay ee qaybta ugu muhiimsan ee tallaalka lagu qaabeeyo garaadka macmalka ah oo dhowr ah, ka dibna lagu tijaabiyo bini-aadamka
Tallaalkan ayaa loo qaabeeyey inuu la dagaallamo
Tallaalkan ayaa loo qaabeeyey inuu la dagaallamo dhammaan fayrasyada dhasha oo ay ku jiraan noocyada isbedbeddala ee covid iyo sidoo kale fayrasyada ku dhaca xayawaanka ee hadhow awoodda u yeesha inay keenaan cudurro dillaaca oo ku faafa bini-aadamka shaqada arrintan la xidhiidha ayaa weli maraysa marxaladihii ugu horreeyay, laakiin cilmi-baadhayaashu waxay mar horeba ka shaqaynayaan horumarinta tallaallo kale oo lagula tacaali karo hargabka iyo Ebola
Tallaalku wuxuu jidhkeenna baraa sida loo aqoonsado
Tallaalku wuxuu jidhkeenna baraa sida loo aqoonsado caabuqa si loo kordhiyo fursadaha lagula dagaallami karo Laakiin fayrasyada qaar ayaa aad ugu xeeldheer inay isbedbeddalaan, sidaas darteed tallaallada ayaa noqon kara kuwo duugooba muddo aad u gaaban, sababtoo ah soo bixitaanka degdegga ah ee noocyo cusub oo fayras ah, halkaasna waxaa ka dhalata baahida loo qabo in si joogto ah loo cusboonaysiiyo tallaallada Covid iyo hargabka xilliyeedka ah
Prof. Jonathan Heeney oo ka tirsan Jaamacadda cambridge ayaa yidhi: "Mar walba dib waan ka soo dib dhacnaa," wuxuuna ku daray, "Waxa aan isku dayeyno waa in aan samaynno waxqabada muuqda oo ka horreeya isbeddelka," si aan hore ugu sii soconno oo aan u awood ugu yeelanno in aan ka hortagno faafitaanka cudurrada dillaaca ee cusub Baadhayaasha Cambridge ayaa qaatay nooc hiddasidayaal ah, kuwaas oo laga soo qaatay koox fayrasyada Koroonaha ah oo ay diiwaangeliyeen barnaamijyada ilaalada ee raadiya khataraha fayrasyada ee iman kara
Garaadka macmalka ah ayaa falanqeeyay hiddasidayaashan, ka dibna wuxuu naqshadeeyay maaddada "antigen heer sare ah" oo ah walax kicinaysa habka difaaca jidhka si uu u soo saaro unugyada difaaca ama unugyo difaac ah. Wuxuuna u tababari karaa habka difaaca jidhka si uu u bixiyo difaac ka dhan ah dhammaan bahda fayrasyadaas, xitaa haddii ay isbedbeddalaan ama haddii caabuq cusub uu ka soo gudbo xayawaanka oo u gudbo bini-aadamka
Maaddada Antigens-ku waa qaybaha aasaasiga ah ee tallaallada, maaddaama habka difaaca jidhku uu barto naqshaddooda si uu u weeraro khabiirka ayaa sheegay inay tani tahay markii ugu horreysay ee antigen uu naqshadeeyay garaadka macmalka ah lagu tijaabiyo bini-aadamka. Wuxuu intaas ku daray in tignoolajiyadan ay "wada yaab nagu noqotay dhammaanteen, waxaanan u malaynayaa inay muujin karto natiijooyin cajiib ah marka loo eego waxa aan u qaban karno badhaadhaha bini-aadamka

0 Comments