Ciidamada Mareykanka oo la sheegay in ay isaga baxeen saldhigga Baledogle ee Soomaaliya

Ciidamada Mareykanka

Ciidamada Mareykanka ayaa la sheegay inay isaga baxeen

 Ciidamada Mareykanka ayaa la sheegay inay isaga baxeen saldhigga milatari ee Baledogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo muddo dheer xarun muhiim ah u ahaa howlgallada sirdoon iyo la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya sida uu qoray wargeyska caanka ah Stars and Stripes, dhammaan ciidamada Mareykanka ayaa dhowaan ka baxeen garoonka diyaaradaha milatariga ee Baledogle, oo qiyaastii 96 km waqooyi-galbeed kaga beegan Muqdisho

Saldhiggan ayaa door muhiim ah ku lahaa ururinta

Saldhiggan ayaa door muhiim ah ku lahaa ururinta xogaha sirdoonka iyo taageeridda tababarka ciidamada Soomaaliya taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) si toos ah uma xaqiijin mana beenin wararka ku saabsan bixitaanka ciidamada, balse afhayeen u hadlay taliska ayaa sheegay in sababo la xiriira amniga howlgalada aysan faahfaahin ka bixin karin dhaqdhaqaaqyada socda

Isaga oo xusay in ciidamadu mararka qaar dib loogu meeleeyo

Isaga oo xusay in ciidamadu mararka qaar dib loogu meeleeyo goobaha ay uga habboon yihiin fulinta howlgallada ka dhanka ah argagixisada weli lama oga tirada ciidamada ka baxay saldhigga iyo goobta loo wareejiyey, haddii ay jirto meel kale oo loo raray. Balse bixitaankani wuxuu noqonayaa isbeddel weyn marka loo eego qorshayaashii Mareykanka ee sannadkii hore, xilligaas oo uu maalgelinayey dhismaha xarumo caafimaad, hoyga ciidamada iyo xoojinta amniga saldhigga

Si Baledogle u noqdo xarun uu Mareykanku muddo dheer ku sii sugnaado sannadkii 2019-kii,  Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhigga, kaas oo ku billowday qarax gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, waxaana xigay dagaal muddo saacad ku dhow socday oo dhexmaray kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamada Mareykanka iyo Soomaaliya

Joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa isbeddello kala duwan soo maray. Dhammaadkii sannadkii 2020-kii, madaxweynihii xilligaas Donald Trump ayaa amray in dalka laga saaro ku dhowaad 700 oo askari oo Mareykan ah, balse bishii May 2022-kii ayuu madaxweynihii xigay Joe Biden dib u soo celiyey boqolaal askari, si loo xoojiyo iskaashiga ciidamada Soomaaliya iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Post a Comment

0 Comments