Col Cali Cagey oo digniin u diray dad u sheegay inay furfurayaan ciidamada qaranka

Col Cali Cagey

Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidamada xoogga dalka

 Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidamada xoogga dalka Col Cali Axmed Xaashi ( Cali Cagey) ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ayaa sheegay inaan loo dulqaadan karin in la burburiyo  islamarkana maalin kasta la isku sawiro Col Cali Cagey ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in maalin kasta la bahdilo ama la kala furfuro ciidanka Xoogga Dalka, isagoo xusay in dadka lagu tuhmo inay cadawga u adeegayaan, islamarkaana ku dhex dhuumanaya dadka tabashada qaba

Ciidanka XDS in la bur buriyo leysku sawiro 

Ciidanka XDS in la bur buriyo leysku sawiro maalin kasto mar marsiyo looma heli doono mana leys kaga hari doono  tabasho ayaan qabnaa dowlada dumi meyno iyo ciidanka ayaa kala fur furaa leysma qabadsii karo mana leys kaga hari doono tabasho siyaasadeed ayaan qabnaa ciidankii ayaan dumineynaa ninkii imaado wan soo bandhigeynaa cida loo adeegaayo oo cadeynta loo gudbinaayo yaa waaye leys kaga ma hari doono 

Kuwa cadawga u shaqeynaayo oo dadka tabashada qabo

Kuwa cadawga u shaqeynaayo oo dadka tabashada qabo ku dhax dhuumanaayo insha allaah cadaw cadaw”ayuu yiri Col Cali Cagey taliyaha qeybta 27-aad ee ciidamada xoogga dalka Col Cali Axmed Xaashi ayaa  carrabka ku adkeeyay in tabashada siyaasadeed aysan la macno ahayn burburinta dowladda iyo ciidanka askar ka tirsan 

Ciidamada xoogga dalka ayaa tan iyo markii Ugaas Yuusuf Ugaas Xassan uu ugu baaqay ciidamada ka soo jeeda gobolka Hiiraan ay soo garab istaagan ayaa waxaa gurigiisa soo gaaray ciidamo ka yimid gobollada dalka kuwaasoo gaaraya 450 askari.

Post a Comment

0 Comments