Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa si adag uga hadlay khasaaraha ciidamada Xoogga dalka kasoo gaaray dagaalkii lagu hoobtay ee dhawaan ka dhacay aagga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, isaga oo oo jeediyay in mushaarka iyo gunnada loo kordhiyo ciidamada qalabka sida
Ugu horreyn Farmaajo ayaa sheegay inuu murugada
Ugu horreyn Farmaajo ayaa sheegay inuu murugada la qaybsanayo ehellada askarta ku geeriyootay dagaallada ka socda Koonfur Galbeed, oo ay ku naf-waayeen ciidamo ka tirsanaa Xoogga Dalka oo dagaallo adag la galay Al-Shabaab iyo ciidamada taabacsan Lafta-gareen khasaaraha nafeed iyo midka hanti ee Ciidanka Xoogga Dalka ka soo gaaray weerarkii argagixisada ee deegaanka Jameeco, waxa uu murugo weyn ku reebay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska iyo guud ahaan Ciidanka Xoogga ee ay ka baxeen halyeeyadii ku naf waayay weerarkaas bahalnimada ah,” ayuu yiri Farmaajo Sidoo kale wuxuu ku baaqay in askarta dhaawacyada ah loo fidiyo daryeel caafimaad, halka kuwa xaaladdoodu culus tahayna la gaarsiiyo xarumaha caafimaad ee dabooli kara baahidooda, si loola tacaalo xaaladooda
Madaxweynihii hore ee dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in si dhow loola socdo xaaladda ciidamada qalabka sida, isaga oo soo jeediyay in kordhiyo mushaaraadka maadaama ay wajahayaan duruufo adag waxaan soo jeedinayaa in la kordhiyo mushaharka iyo gunnooyinka Ciidamada Qalabka Sida oo halkii aan sannado ka hor soo gaarsiinnay aan waxba loogu darin, kuwa tirada badan ee mushahar koodii bilihii danbe laga goostayna loo soo celiyo xuquuqdoodii,” ayuu kusii daray Dhinaca kale, Farmaajo ayaa ku eedeeyay Maaxweyne Xasan Sheekh inuu awood ciidan ku xalinayo khilaafka taagan, uuna halis gelinayo ciidamada qaranka, sida uu hadalka u dhigay
Waxaa caado u noqotay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday in uu ku xalliyo xoog wax kasta oo kala aragti duwanaan siyaasadeed ah, kuna biimeeyo ciidammadeenna qalabka sida ee geesiyaasha ah dagaallo iyo hawl-gallo aan qorshaysnayn, argagixisadana uu ugu loogo,” ayuu mar kale yiri Madaxweynihii hore ee dalka
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Ma jirto dan siyaasadeed oo qiimaheedu gooyo dhiigga askari Soomaaliyeed, waxaana lama huraan ah in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo dhacdadan iyo kuwii ka horreeyey, mas’uuliyadda wixii dayac ah ee gaaray geesiyaasheennana lagula xisaabtamo cid kasta oo masuuliyaddaas qayb ka ah


0 Comments