Waxaa baraha bulshada ee Soomaalida ku baahay
Waxaa baraha bulshada ee Soomaalida ku baahay muuqaal la isku barbar dhigayo keydadka Shidaalka ee dalalka Caalamka, kaas oo Soomaaliya ka dhigaya lambarka lixaad ee dalalka ugu keydka shidaal badan caalamka, balse qiyaastaas ayaan ahayn mid sax ah muuqaalka oo uu soo bandhigay kanaalka YouTube ee Gravity, ayaa is barbar dhigayaa dalalka uu dhulkooda iyo baddooda ku jiro keyd shidaal taas oo Soomaaliya kaga sara mariyeen dalka saliidda qaniga ku ah ee Isutagga Imaaraatka Carabta iyaga oo isticmaalaya xog aan sax ahayn
Wuxuu sheegayaa muuqaalku in Soomaaliya ay ku jirto
Wuxuu sheegayaa muuqaalku in Soomaaliya ay ku jirto boqol iyo kow iyo toban bilyan oo fuusto oo saliidda cadhiin ah qiyaastaan aan la hubin ayaa hadii lacag ahaan lagu dhufto qiimaha fuustada saliidda cadhiin ah ee maanta; waxay noqonaysaa in ka badan siddeed Triliyan oo dólar, taas oo haddii ay run tahay Soomaaliya ka dhigi leheed mid ka mid ah dalalka ugu qanisan caalamka Agaasimaha wasaaradda, Maxamed Xaashi Carabeey ayaa BBC da u sheegay in aysan beenin karin isla markaanay aysan rumayn karin xogta, maadaama aysan Soomaaliya ogayn qiyaasta dhabta ah ee shidaalka ku jira Soomaaliya. Wuxuu sheegay in qiyaasta lagu xusay muuqaalkaas mid ka badan ay ku jiri karto gudaha Soomaaliya
Ma xaqiijin karno mana garanayno halka ay xogtan
Ma xaqiijin karno mana garanayno halka ay xogtan ka keeneen, laakiin aad iyo aad ayuu suurta gal u yahay in intaas iyo ka badanba ay ku jirto Soomaaliya,” ayuu BBC da u sheegay agaasime Maxamed wuxuu ku sababeeyay hadalkiisaan in Soomaaliya aysan wali ogaan cadadka shidaalka ku jira dhulka iyo badda Soomaaliya isla markaana xogta rasmiga ah ee hadda la hayo ay ku kooban tahay oo kaliya waxa laga helay xirmooyin ka mid ah kuwa badda Sannadkii 2020 kii, shirkadda sahaminta ee Norway, TGS, ayaa ku qiyaastay in qayb kamid ah badda Soomaaliyta uu ku jiro kayd saliid oo ku dhow 30 bilyan oo barmiil, oo leh kayd dheeraad ah oo badda ah, in kasta oo qiyaasaha dhulku ay aad u yar yihiin
Si kastaba ha ahaatee su’aal kama taagno in Soomaaliya ay ku fadhido kayd shidaal oo weyn, bad iyo berriba, balse weli lama hayo qiyaas rasmi ah oo lagu tiirsanaan karo taas oo sida muuqaalka oo kale sheegi karta tiro fuustooyin ah oo guud ahaan ku jirta dhulka iyo badda Soomaaliya

0 Comments