Tiknoologiyada Casriga Ah Iyo Jiilkeena Cusub

Tiknoologiyada Casriga Ah

Tiknologiyadu waa nimco ilaahay bini’aadamka ugu deeqay

Tiknologiyadu waa nimco ilaahay bini’aadamka ugu deeqay casrigaan lajoogo waxay noqotay nolosha bini’aadamka qayb muhiima oo ka mida waa wax faa’iido iyo khasaaraba lagu qabo, waa seef laba afleh oo dhankasta (samaan iyo xumaan) loo adeegsankaro, hase ahaate umadduhu inta badan waxay u adeegsadaan dhanka wanaagsan oo ahaa baahidii loo qabay oo loo samaystay

Markaan u nimaadno waxa loo yaqaan (Barkulanada Bulshada)

Markaan u nimaadno waxa loo yaqaan (Barkulanada Bulshada) oo ah qayb ka mida Tiknololgiyada ayaa saamayn balaaran ku yeeshay dadyowga afrikaanka ah oo Soomaalidu kamidtahay, inkastoo bulshadu siday doonaan u adeegsadaan cida u nugul oo la orankaro dhibaato weyn ayay ku haysaa waa jiilka cusub

Waa dad adduunku ku cusubyahay  awoodda xakamaynta

Waa dad adduunku ku cusubyahay  awoodda xakamaynta naftuna aysan ku badnayn, maadaama uu ku badanyahay xiisuhu (shahwaad)  waxaa dhicikarta wax ay rabaan oo xiisaynayaan inay dhibaato u gaystaan naftooda, laakiin aysan ayagu si durugsan uga sii fakarin halka uu lamari karo xiisahooda dhalinyaradu ayadoo u nugul waxkasta  haddii aysan helin cid daryeelaysa oo aan kaliya muuqaalkooda iyo jir ahaan u daryeeline  u hagaajisa maskax ahaan iyo Aqoon ahaan way ku adkaan kartaa

Sidii ay ugu babacdhigi lahaayeen duruufaha ay la gooni noqdeen, sidii ay hormar naftooda iyo bulshadoodaba ku gaarsiin lahaayeen Umaddaha adduunku waxay ku tashadaan oo ay siwanaagsan u barbaariyaan dhalinyaradooda iyo jiilka usoo kaca way ku faro adaygaan oo dadaal badan galiyaan sidii ay usoo saarilahaayeen jiil cusub  oo tayo iyo Aqoon leh oo badala kalana wareega masuuliyadii ay hayeen si ay 

Taasi ugu suurto gasho waxay awoodda saaraan una gogol xaaraan jiilka dhalanaya iyo kuwa dhashay.  Umadda hormaraysa waxaa lagu gartaa la tacaalida iyo ka warhaynta dhalinteeda, ileen waa kuwii sii wadi lahaa hormarka ay rajaynayso, kuwii badali lahaa kaalintii aabbayaashood iyo hooyooyinkood ka gaboobaan ama ka geeriyoodaan

Post a Comment

0 Comments