Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Jubbaland oo sheegay inay burburiyeen toddobo fariisin oo Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka Jilib

Ciidamada Dowladda Federaalka

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Dowladda Federaalka

 Ciidanka Kumaandooska Danab ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada Jubbaland ayaa sheegay inay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanno ka tirsan duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe War ay siiyeen saraakiisha ciidamada warbaahinta Dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu burburiyey toddobo fariisin oo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd deegaanka

Isla markaana ciidamada ay gacanta ku dhigeen

Isla markaana ciidamada ay gacanta ku dhigeen agab laga helay fariisimahaas saraakiisha ayaa sheegay in deegaanka Gambaale uu ahaa mid ka mid ah saldhigyada waaweyn ee ay Al-Shabaab ku sugnaayeen, islamarkaana uu ka mid ahaa goobihii lagu beegsaday howlgalka

Taliska ciidamada ayaa xusay in howlgalka

Taliska ciidamada ayaa xusay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo amniga deegaannada Jubbaland, ayna sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Jubbada Dhexe

Saraakiisha ma aysan sheegin khasaaraha ka dhashay howlgalka dhinaca Al-Shabaab, mana jirto war ka soo baxay kooxda oo ay uga hadashay sheegashada dowladda

Post a Comment

0 Comments