Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed

 Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Farsooley ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku beegsadeen dagaalamayaal la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab

Isla markaana ay ku burburiyeen goobo lagu kaydinayay

Isla markaana ay ku burburiyeen goobo lagu kaydinayay hub Sida ay baahisay Warbaahinta ciidanka Xooga Dalka, ugu yaraan shan 5 xubnood oo ka tirsanaa Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa lagu dilay hawlgalka, Intii uu socday weerarka ayaa mid ka mid ah dagaalamayaasha uu isku dayay inuu isku qarxiyo walxaha qarxa oo uu watay, hase yeeshee lama soo werin wax khasaare ah oo gaaray ciidamada Danab

Qaraxa ayaa sababay dab xooggan oo qabsaday dhismayaal

Qaraxa ayaa sababay dab xooggan oo qabsaday dhismayaal ay ku keydsanaayeen hub iyo agab ciidan, taas oo gebi ahaanba burburisay kaydkii halkaas yaallay, sida ay sheegeen saraakiisha milatariga warbaahinta ciidanka Xooga ayaa sheegtay in qaar ka mid ah horjoogeyaasha kooxda ay ka baxsadeen goobta kadib markii ay ogaadeen in ciidamada gaarka ah ay soo gaareen aagga howlgalka

Howlgalka ayaa qayb ka ah dagaalka joogtada ah ee ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayaan in ay ku wiiqaan awoodda kooxda Al-shabaab, loogana saaro deegaannada ay weli ka howlgalaan 

Post a Comment

0 Comments