Dowlada Sacuudiga waxay si qarsoodi ah
Dowlada Sacuudiga waxay si qarsoodi ah u dhistay ciidan calooshood u shaqeystayaal ah oo ka kooban 5000 oo ka soo jeeda somalia kuwaas oo intooda badan laga soo qoray guri-ceel iyo waqooyi bari Iyadoo uu kormeerayay wafti ka socda sacuudiga dagaalyahannada ayaa si qarsoodi ah lagu geen doona dalka sudan iyagoo laga dhigayo shaqaale caadi ah
Waxaana lagu tababaray xeroyin ku yaala galmudug
Waxaana lagu tababaray xeroyin ku yaala galmudug Hawlgalkoodu wuxuu ahaa inay ka barbar dagaalamaan ciidamada sudan ayna cabburiyaan mucaaradka, awooddoodana ku muujiyaan mucaaradka dowlada ayaa ayaa sheegay in ka badan 20 oo ka tirsan saraakiil ka kala yimaaday wadamada colombia ukrain iyo south africa ayaa howlgalkan qeyb ka ah
Iyagoo siinayay mushahar gaaraya ilaa $300,000
Iyagoo siinayay mushahar gaaraya ilaa $300,000 sannadkii taasoo muujinaysa baaxadda uu leeyahay hawlgalkani sudan waxay si degdeg ah door muhiim ah uga qaadatay shabakaddan sannadkii 2011, Prince wuxuu shakhsi ahaan u kormeeray tababarka 2,000 oo dagaalyahan Soomaali ah, kaasoo qayb ka ahaa barnaamij lagula dagaallamayo burcad-badeedda oo ay Maraykanku taageerayeen
Sacuudiga ayaana maalgelinayay hindisahan, oo loo ekaysiiyay mid ammaan oo looga hortagayo afduubka ka dhaca meelaha ka baxsan xeebaha Geeska Afrika wuxuu sacuudiga sidoo kale siiyay fursad ay kaga mid noqoto arrimaha Soomaaliya Markii ay colaadda Suudaan sii xumaatay sannadkii 2023, caddeymo cusub ayaa tilmaamay dhaqdhaqaaqa calooshood u shaqeystayaasha ee sii mara Soomaaliya
Warbaahinta Colombia ayaa ku warrantay in dagaalyahanno laga soo qoray shirkado xiriir la leh sacuudigaa loo daabulay Darfur iyadoo la isticmaalayo waddooyin dhuumaaleysi ah oo soo mara Soomaaliya, gaar ahaan Boosaaso, iyo Chad calooshood u shaqeystayaashan waxaa loo ballanqaaday mushahar gaaraya ilaa $3,000 bishii iyo gunnooyin dhan $10,000
Waxaana lagu qalabeeyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) iyo gantaalaha garbaha laga rido waxay ka barbar dagaallameen Ciidammada militeriga ee Suudaan, oo lagu eedeeyay falal arxan-darro ah
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markii dambe xaqiijiyay in shabakadaha sacuudiga sameystay ku dhex milmeen silsiladaha saadka ee militeriga sudan dhaawacmay waxaa loo qaadayay isbitaallada sacuudiga si loogu soo daaweyo halka Soomaaliyana ay weli ahayd goob muhiim ah oo ay sii maraan sahayda
Dowlada Sacuudiga waxay si qarsoodi ah u dhistay ciidan calooshood u shaqeystayaal ah oo ka kooban 5000 oo ka soo jeeda somalia kuwaas oo intooda badan laga soo qoray guri-ceel iyo waqooyi bari Iyadoo uu kormeerayay wafti ka socda sacuudiga pic.twitter.com/by1gGZ4mIq
— Somalia Today (@SomaliaToday24) July 14, 2026

0 Comments