Muxuu salka ku hayaa ismari waaga Mucaaradka iyo Dowladda ee wada hadalada ay Beesha caalamka garwadeenka ka tahay?

Mucaaradka iyo Dowladda

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

 Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhaliilay hannaanka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u waddo doorashada, isaga oo sheegay in qaabka hadda la qorsheeyay uusan ka tarjumayn doorasho qof iyo cod ah oo xor iyo xalaal ah Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dhinacyada siyaasadda ay isku raacsan yihiin in Soomaaliya uga gudubto nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5

Si dalka loo gaarsiiyo doorasho qof walba uu wax dooran karo

Si dalka loo gaarsiiyo doorasho qof walba uu wax dooran karo isla markaana isaguna la dooran karo. Hase yeeshee, wuxuu xusay in weli ay taagan tahay dood ku saabsan sida loo hirgelinayo hannaankaas wuxuu tilmaamay in nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5 uu weli saameyn ku leeyahay qaabka kuraasta loo qaybinayo, taas oo uu sheegay inay ka hor imanayso mabda'a doorashada qof iyo cod

Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale dhaliilay

Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale dhaliilay waxa uu ku tilmaamay in xisbiyada siyaasadda loo adeegsanayo hab lagu sii go'aamiyo cidda kuraasta helaysa, isaga oo sheegay in haddii liisaska musharraxiinta hore loo diyaariyo aysan jiri doonin tartan doorasho oo dhab ah

Sidoo kale wuxuu sheegay in qaabkaas uu shacabka ka fogeynayo fursadda ay si xor ah ugu dooran lahaayeen musharraxiinta ay rabaan, isaga oo ku baaqay in la hirgeliyo nidaam doorasho oo qofka musharraxa ah si toos ah loogu codeeyo, halkii codka lagu koobbi lahaa

Xisbi siyaasadeed Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in khilaafka taagan uu salka ku hayo qaabka loo wajahayo hirgelinta doorashada, isaga oo muujiyay rajo ah in wada-hadallada socda ay horseedi doonaan xal siyaasadeed oo la isku waafaqo

Post a Comment

0 Comments