Somalia oo gashay xaalad halis ah

Somalia

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam 

 Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam oo maanta ka hadlaayay magaalada Kismaayo ayaa marka hore ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dhacdooyinkii rabshadaha watay ee ka dhacay deegaannada Adhicadeeye iyo Jalalaqsi, isagoo ku tilmaamay dhacdooyin murugo leh oo aan loo baahnayn inay dhacaan madaxweynaha ayaa sheegay in dhibaatooyinka noocan ah ay qayb ka yihiin raadadka ka dhashay burburkii Somalia iyo faafitaanka hubka oo uu sheegay inuu gacanta u galay dad aan awood u lahayn inay qaadaan masuuliyadda isticmaalka hubka wuxuu xusay in arrintaasi ay sii kordhinayso khataraha amni iyo isku dhacyada soo noqnoqda ee ka dhaca dalka

Madoobe ayaa sheegay in Puntland ay door muhiim ah

Madoobe ayaa sheegay in Puntland ay door muhiim ah ku lahayd dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya iyo hirgelinta nidaamka federaalka, isaga oo xusay in maamulkaasi lagu dhisay wada-tashi dhex maray isimmo, waxgarad iyo siyaasiyiin wuxuu ku baaqay in la dhowro nidaamkaas iyo xasilloonida deegaannada Puntland  Madaxweynaha Putland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay ku tumatay dastuurkii lagu heshiiyay

Isla markaana ay dhaawacday nidaamka federaalka

Isla markaana ay dhaawacday nidaamka federaalka iyo hay'adihii dowladda Khudbad uu ka jeediyay munaasabadda 1-da Luulyo ee ka dhacday Garoowe, ayuu Deni sheegay in Soomaaliya ay weli wajahdo caqabado siyaasadeed oo ka dhashay burburkii dowladdii dhexe isagoo sheegay in rajadii dib loogu dhisi lahaa dowlad somalia oo ku dhisan heshiis iyo wadajir ay maanta halis ku jirto Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay "laashay dastuurkii lagu heshiiyay isla markaana ay wiiqday nidaamka federaalka iyo madax-bannaanida hay'adaha dowladda

Madaxweynaha Puntland ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inay ilaashadaan midnimadooda, kana feejignaadaan waxa uu ku tilmaamay "dacaayado iyo qorshayaal lagu khaldinayo bulshada Deni wuxuu sidoo kale sheegay in Puntland ay sii wadi doonto difaaca amnigeeda iyo ilaalinta nidaamka federaalka, isagoo xusay in ciidamadeedu heegan u yihiin difaaca shacabka iyo deegaannada Puntland dhanka kale, Madaxweynaha Puntland ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu dalka ku hoggaaminayo aragti siyaasadeed oo gaaban, isla markaana uu ka leexday heshiisyadii siyaasadeed ee lagu dhisay dowladda federaalka

Post a Comment

0 Comments