Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan
Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa waxaa uu noqday garsoorihii ugu horeeyay oo aan Yurubiyaan ahayn ee dhex-dhexaadiya koobka UEFA SUPER CUP, oo ay xalay wada dheeleen Kooxda Paris Saint-Germain F.C. (PSG) iyo Aston Villa Cartan wuxuu dhigay taariikh cusub oo baal-dabah ah ka gashay xiriirka kubadda Cagta Adduunka, isagoo noqday Garsoorihii ugu horeeyay abid ee loo doortay inuu dhex-dhexaadiyo kulan heer sare ah oo kubadda cagta Yurub ah, wuxuuna magaca Soomaaliya ku qoray bog cusub oo taariikhi ah
Guusha uu xalay gaaray Cumar Cartan kaliya kuma eka
Guusha uu xalay gaaray Cumar Cartan kaliya kuma eka tan shaqsiga ah, ee waxa uu calanka Soomaaliya ka lulay masraxyada ugu waaweyn, uguna xiisaha badan dunida kubadda cagta, iyadoo garoonka ay ku cayaarayeen Kooxaha PSG iyo Aston Villa u soo daawasha tageen kumanaan Soomaali ah, markii lasoo gato shucuubtii kale ee dunida, si ay u taageeraan Garsoore Cumar Cartan, una lulaan calamka Jamhuuriyadda
Sidoo kale, dunida Kubadda Cagta ayaa ugu hambalyeysay
Sidoo kale, dunida Kubadda Cagta ayaa ugu hambalyeysay Garsoore Cumar Cartan sida miisaanka leh ee uu u garsooray ciyaarta weyn ee koobka UEFA SUPER CUP, waxaana ka mid ahaa: Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka UEFA oo qoray “Cumar Cartan waxa uu noqday garsoorihii ugu horeeyay ee aan Qaaradda Yurub kasoo jeedin ee Garsoore ka noqda Finalka UEFA SUPER CUP,” magaca Soomaaliya iyo Afrika oo dhan ayuuna ku qoray bogga Taariikhiga ah ee Kubadda Cagta
Dhanka kale, halyeygii hore ee xulka Talyaaniga iyo kooxda Juventus Gianluigi Buffon ayaa ugu hambalyeeyay sida quruxda badan ee Garoore Cumar Cartan u dhex-dhexaadiyay Koobka UEFA SUPER CUP ee ay xalay ku guuleysatay Kooxda reer France ee PSG, isagoo yiri ”Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cartan xalay Kubadda Cagtu waxay siisay mudnaantii uu lahaa Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF ayaa isna hambalyo u diray Cumar Cabdulqaadir Cartan guusha taariikhiga ah ee uu xalay ka sameeyay Masraxyada Kubadda Cagta Adduunka iyo sida uu uga soo dhalaalay ciyaartii weyneed ee UEFA SUPER CUP
Garsoore Cumar Cartan wuxuu Afrika ku metelay Masraxa Kubadda Cagta Adduunka, waana Garsoorihii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed ee taariikh ka dhigay Koobka UEFA SUPER CUP, isagoo noqday garsoorihii ugu horeeyay ee Qaaradda Yurub aan kasoo jeedin ee qabta kulankan oo kale, Soomaaliya iyo Afrika ayuuna sharaf ku metelay, guul wayn oo xasuus mudan ayuu Cartan dhigay,” ayaa lagu qoraalka Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF
Cumar Cabduqaadir Cartan oo 34 jir ah ayaa ku jira liiska Garsoorayaasha caalamiga ah ee FIFA tan iyo sannadkii 2018. Sannadkii 2025-ka ayaa loo magacaabay Garsooraha ugu fiican Afrika, isaga oo noqday mid ka mid ah garsoorayaasha ugu sarreeya qaaradda Afrika iyo guud ahaan caalamka, waxaana sidoo kale muddadii uu ku jiray garsoorka uu dhex-dhexaadiyay kulamo badan oo heer caalami ah.
Si kastaba, Guusha Cumar Cartan ayaa si gaar ah muhiim u noqotay marka la xuso dhacdadii dhowaan ka horreysay ee uu ku waayay fursaddii uu kaga qeyb geli lahaa Koobka Adduunka 2026, kaddib markii Mareykanka uu u diiday inuu dalka galo, inkastoo uu haystay fiiso sax ah. Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa xilligaas ku sababeeyay go’aanka walaac la xiriiray xaqiijinta xogtiisa, halka FIFA ay markii dambe xaqiijisay inuusan ka qeyb geli karin tartanka

0 Comments