Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA)
Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay gacanta ku dhigeen sagaal qof oo ay ku eedeysay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay inay qorsheynayeen falal amniga lid ku ah oo laga fuliyo magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka NISA
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka NISA, dadka la qabtay ayaa si qarsoodi ah ugu sugnaa degmooyinka Garasbaaley, Kaxda iyo xaafado ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha. Hay'addu waxay sheegtay in afar ka mid ah ay ahaayeen shabakad isku xiran oo qorsheynaysay weerarro lagu bartilmaameedsanayo shacabka isla markaana lagu carqaladeynayo amniga caasimadda
NISA ayaa intaas ku dartay in muddo ay si dhow
NISA ayaa intaas ku dartay in muddo ay si dhow ula socotay dhaqdhaqaaqyada iyo qorshayaasha kooxda, isla markaana baaritaanno iyo xog-ururin kaddib lagu guuleystay in lagu qabto goobihii ay ku sugnaayeen.
Hay'addu waxay sheegtay in dadka la qabtay ay hadda ku socdaan baaritaanno, isla markaana marka ay soo dhammaadaan loo gudbin doono hay'adaha garsoorka si sharciga loo mariyo war-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu ammaanay shacabka la wadaaga hay'adaha amniga xogaha la xiriira khataraha amni
Iyadoo NISA ay ku celisay baaqeeda ku aaddan in shacabka ay soo gudbiyaan macluumaad kasta oo la xiriira falalka Al-Shabaab ama Daacish NISA ayaa kordhisay howlgallada ka dhan ka ah Kooxda Al Shabaab, waxaana ay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya kula dagaalamaysaa xubno ka tirsan Al shabaab

0 Comments