Beesha Xawaadle oo soo saartay go’aamo ku saabsan dhismaha HirShabelle saddexaad

Beesha Xawaadle

Waxgaradka, siyaasiyiinta iyo qaybaha bulshada

 Waxgaradka, siyaasiyiinta iyo qaybaha bulshada ee beesha Xawaadle ayaa magaalada Beledweyne ku soo gabagabeeyay kulamo maalmahan u socday oo looga hadlayay xaaladda siyaasadeed iyo hanaanka dhismaha maamulka HirShabelle saddexaad Beesha Xawaadle ayaa ku baaqday in la joojiyo doorashooyinka iyo habraacyada siyaasadeed ee ka socda Hiiraan

Iyadoo sheegtay in aan la aqbali karin hannaan

Iyadoo sheegtay in aan la aqbali karin hannaan aan ku dhisnayn heshiis iyo oggolaanshaha bulshada sida lagu sheegay go'aanada kasoo baxay Shirka oo uu hogaaminaayay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif war-murtiyeedka waxaa warbaahinta u akhriyey Xoghayihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir, Xiirey Axmed Rooble isagoo cadeeyay in Beesha  aysan aqbali karin in hannaan siyaasadeed oo Hiiraan ah la sameeyo, iyadoo aan laga qaybgelin bulshada deegaanka

Waxay sidoo kale ku baaqday Beesha Xawaadle 

Waxay sidoo kale ku baaqday Beesha Xawaadle in dhismaha HirShabelle saddexaad loo maro hannaan loo dhan yahay oo ku saleysan caddaalad, matalaad iyo awood-qaybsi ay dhinacyadu isku raacsan yihiin war-murtiyeedka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray tabashooyinka reer Hiiraan, iyadoo beesha ay ku baaqday in cabashooyinkaas si dhab ah loo qaado, lana raadiyo xal siyaasadeed oo ku dhisan wada-tashi iyo is-afgarad 

Waa in la joojiyo dhammaan doorashooyinka iyo habraacyada aan ku dhisnayn heshiiska iyo oggolaanshaha bulshada,” ayaa lagu sheegay go’aamada kasoo baxay kulanka Beesha Xawaadle ayaa sidoo kale sheegtay in maamulka HirShabelle ee ka howlgala Hiiraan uu u hoggaansamo go’aamada kasoo baxay waxgaradka, isla markaana uu isu diyaariyo geedi-socodka dhismaha maamul cusub oo loo dhan yahay

Qodob kale oo war-murtiyeedka lagu xusay ayaa ah in wixii qalalaase ama gacanka hadal ah ee ka dhasha doorasho aan heshiis lagu ahayn ay mas’uuliyaddeeda qaadi doonaan guddiga doorashooyinka iyo guddoomiyahooda Cabdikariin Xasan Beesha Xawaadle waxay sheegtay in aan la dhisi karin HirShabelle waarta iyadoo la iska indha tirayo tabashooyinka iyo rabitaanka bulshada reer Hiiraan

Waxay ugu dambayn ku baaqday in aan waqti badan laga lumin bulshada HirShabelle, lana gaaray xilligii la dhisi lahaa maamul ka duwan kan hadda jira iyo kii hore waxaana War-murtiyeedka lagu soo gabagabeeyay in nabadda, caddaaladda, heshiiska iyo heshiis bulsho ay saldhig u yihiin Hiiraan iyo HirShabelle

Post a Comment

0 Comments