Dabageed oo shaaciyay in Xasan Sheekh uga baxay heshiis hoose oo uu la galay

Xasan Sheekh

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka HirShabelle

  Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka HirShabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu uga baxay ballan siyaasadeed oo uu la galay Dabageed oo sheegay in Madaxweynaha ay hore ugu heshiiyeen, uguna ballanqaaday inuu hoggaanka HirShabelle isaga siiyo ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu hadda waxba kama jiraan kasoo qaaday ballankaas

Dabageed ayaa sheegay in xalay kulan albaabadu u xirnaayeen

Dabageed ayaa sheegay in xalay kulan albaabadu u xirnaayeen oo uu la yeeshay Xasan Sheekh uu ku wargeliyay in kursigii HirShabelle aan loo hayn, sidaas darteedna uu tanaasulo “Madaxweynaha shalay markuu isoo wacay, waxaa u qabay laba qodob midkood: Madaxweynihii ayaa ku siinayaa ee reer HirShabelle ku hoggaami oo shaqadii la wareeg, ama inuu leeyahay waxaan ku ballannay waa shaqeyn waayay, oo nin kale oo Xawaadle ah oo ilma adeer tihiin ayaa kursigii la siiyay ee la shaqee ninkaas, sidaas ayuu ku dhihi islahaa hadduu adiga ku siin waayo,” ayuu yiri

Dabageed ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu si cad

Dabageed ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu si cad ugu sheegay in xilka maamulka HirShabelle uu u wado Cali Guudlaawe, oo mar kale isku soo taagaya hoggaanka maamulka madaxweynihii xalay waxaan kala kulmay wax uu nin fiyow oo ehel iyo mas’uul ah oo Madaxweyne Soomaaliyeed uu dhihi karo aanan u qabin. Ballankii reer abtigay waa ka baxay ee kursiga iiga doon, oo iga nabad doonee ayuu igu dhahay,” ayuu yiri Dabageed

Waxa uu intaas kusii daray: “Intee geyni baa dhahay haddaan kasoo helo oo doono. Cali Guudlaawe ayaa siin buu yiri. Madaxweynaha uma badin ee waxaan dhahay arrintaas kama nabad dooneyn karo, nin hadda iga dambeeya oo ka nabaddooneyn kara inuu jiro ilama aha. Raalli ahow, wax aan ka filanayay oo reer abtiga ka sugayeen ma aha, oo xaqoodi ma aha

Inkastoo weli uusan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay Villa Soomaaliya oo si cad u xaqiijinaya in heshiis kama dambeys ah laga gaaray musharraxa Madaxweynaha HirShabelle ama in Guudlaawe loo go’aamiyay inuu mar kale hoggaamiyo maamulka, haddana waxaa isa soo taraya wararka sheegay in Xasan uu kaarka JSP siinayo Guudlaawe, si mar kale loogu dhiso hoggaanka maamulka

Post a Comment

0 Comments