Deni oo Dowladda Federaalka uga digay faragelin ka dhan ah Puntland

Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa digniin u diray

 Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa digniin u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Muqdisho, gaar ahaan arrimaha dastuurka iyo awoodaha federaalka Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland ay qaadatay go’aan ah in aan deegaannadeeda looga oggolaan doonin inay ka howlgalaan shaqsiyaad ama hay’ado aan haysan awood sharci oo ay ku shaqeeyaan

Isagoo arrintan si gaar ah ugu tilmaamay mid la xiriirta

Isagoo arrintan si gaar ah ugu tilmaamay mid la xiriirta Dowladda Federaalka madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in heshiisyadii siyaasadeed ee hore ee saldhigga u ahaa nidaamka federaalka Soomaaliya ay meesha ka baxeen, taasina ay Puntland ku qasabtay inay ku dhaqanto dastuurkeeda iyo xeerarka ay u aragto inay qeexayaan awoodaha maamulka

Wuxuu sidoo kale sheegay in dastuurkii lagu heshiiyay

Wuxuu sidoo kale sheegay in dastuurkii lagu heshiiyay iyo dastuurka Puntland ay yihiin saldhigga ay Puntland ku dhisayso mowqifkeeda, isagoo sheegay in diiddan yihiin in Dowladda Federaalka ay si toos ah uga howlgasho gudaha Puntland iyadoo aan heshiis ama oggolaansho laga haysan maamulkooda

Deni ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka uu sheegay inay xilal ama masuuliyado hore uga soo qabteen Dowladda Federaalka inay ka fogaadaan tallaabooyin uu ku tilmaamay kuwo aan sharciyad haysan waxa uu sheegay in Puntland aysan fursad siin doonin cid isku dayda inay khalkhal ka abuurto gudaha deegaannadeeda

Madaxweyne Deni ayaa hadalkan sheegay xilli uu socdaal ku marayay degaanada bariga fog ee Puntland, isagoo u kuurgalayay xaaladda degaanadaas oo ay ku jiraan kuwii ay ka dhaceen dagaalladii u dhaxeeyay Puntland iyo ururka Daacish.

Post a Comment

0 Comments