Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay hoggaan
Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay hoggaan mideeya shacabka, furfura wada-hadallada siyaasadeed, isla markaana xaqiijiya doorasho loo dhan yahay oo hufan. Xalka dalka kuma jiro muran siyaasadeed iyo is qabqabsi joogto ah, balse wuxuu ku jiraa heshiis qaran, wada-tashi iyo ixtiraamka dastuurka iyo rabitaanka shacabka warmurtiyeedka ay soo saareen ayay xildhibaannadu ku sheegeen in muddo-xileedka dastuuriga ah ee madaxweynaha iyo hay'adaha kale ee dowladda uu dhammaaday, ayna waajib tahay in la raaco dastuurka iyo habraacyada sharci ee kala-guurka
Dib u dhaca doorashooyinka iyo mugdiga ku hareeraysan
Dib u dhaca doorashooyinka iyo mugdiga ku hareeraysan habka loo qabanayo waxay dhaawacayaan kalsoonida shacabka ee hay'adaha dowlada doorashooyinka waqtigooda ku dhaca waa tiirka ugu muhiimsan ee sharciyadda dowladeed, waxaana dib u dhac kasta uu abuuraa su'aalo ku saabsan isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta maamulka dhanka amniga, shacabka Soomaaliyeed waxay filayeen in dowladda xoogga saarto la dagaallanka Alshabaab iyo sugidda amniga guud ee dalka
Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda beenisay eedeymahaas
Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda beenisay eedeymahaas, iyadoo sheegtay in ciidamada ammaanku ay u shaqeeyaan ilaalinta sharciga iyo sugida amniga Falanqeeyayaashu waxay aaminsan yihiin in xalka ugu habboon uu yahay wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, kaas oo lagu heshiiyo hannaanka doorashooyinka, awood-qaybsiga iyo xoojinta kalsoonida hay'adaha dowladda iyadoo Soomaaliya ay weli wajahdo caqabado amni iyo kuwo siyaasadeed
Mustaqbalka dalka wuxuu si weyn ugu xirnaan doonaa awoodda hoggaanka siyaasadeed iyo saamileyda kale ay ugu heshiin karaan hannaan sharciyeysan oo nabadeed wada-hadal, is-aaminaad iyo ixtiraamka dastuurka ayaa loo arkaa furayaasha lagu gaari karo xasilooni waarta iyo dowladnimo loo dhan yahay

0 Comments