Dowladda Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa
Dowladda Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa u wareejisay 220 askari oo ka tirsan milatariga Soomaaliya, kuwaas oo ay dhawaan ku qabatay gudaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, xilli ay fasax ku joogeen halkaas Askartan oo muddo lagu hayay xerada Garab Case ee magaalada Jigjiga ayaa la sheegay in shalay lagu qaaday basas ay leeyihiin ciidamada Itoobiya, kuwaas oo u gudbiyay caasimadda dalkaas ee Addis Ababa
Ciidamadan ayaa ka mid ahaa askartii uu Madaxweyne Xasan Sheekh
Ciidamadan ayaa ka mid ahaa askartii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bilgaduud oo hoos taga maamulka Galmudug Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan qabashada askartan iyo tallaabada Itoobiya ay ugu wareejisay Addis Ababa, iyadoo arrintani ay dhalisay su’aalo ku saabsan xaaladdooda iyo sababta halkaas loogu qaaday
Dhanka kale, saraakiil amni oo ka tirsan dowladda Itoobiya
Dhanka kale, saraakiil amni oo ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa inay aaminsan yihiin in ciidamadaas ay tababartay dowladda Masar, isla markaana ay ku sii jeedeen deegaannada maamulka Jubaland arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya wajahayo xiisado, kaddib markii ay labada dowladood isku khilaafeen arrimo la xiriira gobolka iyo isbahaysiyada siyaasadeed ee Geeska Afrika
Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa dhawaan muujisay caro la xiriirta mowqifka Madaxweyne Xasan Sheekh ee xiriirka uu la leeyahay Masar iyo Ereteriya. Wararka laga helayo dhinaca Itoobiya ayaa sheegaya in Addis Ababa ay tallaabooyinkaas u aragto kuwo khatar ah oo ka hor imaanaya danaha ay gobolka ka leedahay
Wareejinta askartan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii xoogeysanayaan loollanka siyaasadeed iyo kan amni ee gobolka. Si kastaba, waxaa weli la sugayaa faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan sababta loo qabtay ciidamada, xaaladdooda hadda iyo wada-hadallada labada dowladood ee arrintan la xiriira


0 Comments