Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dardar gelinaysa
Halkaas oo uu guddoomiyay shirkii shanaad ee isku-duwidda
Halkaas oo uu guddoomiyay shirkii shanaad ee isku-duwidda hay’adaha ka shaqeeya amniga iyo howlaha garoonka shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, badbaadada rakaabka, horumarinta adeegyada garoonka iyo qorshaha lagu rarayo ama lagu duminayo dhismayaal gaar ah oo ku dhow garoonka
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta heerarka amniga ee garoonka adan cadde, oo ah marinka ugu weyn ee duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya, isla markaana door muhiim ah ku leh isku xirka dalka iyo caalamka wuxuu sidoo kale ugu baaqay hay’adaha amniga iyo kuwa duulista inay xoojiyaan wada-shaqeynta, si loo sugo badbaadada rakaabka iyo habsami-u-socodka howlaha garoonka
Garoonka Aadan Cadde ayaa muhiim u ah duulimaadyada ganacsiga, safarrada diblomaasiyiinta, howlaha bani’aadannimo iyo safarrada kale ee muhiimka u ah dalka. Muhiimaddiisa istiraatiijiyadeed awgeed, amniga garoonka ayaa muddo dheer ahaa arrin mudnaan gaar ah leh
Qorshaha lagu rarayo ama lagu duminayo dhismayaasha ku dhow garoonka ayaa qayb ka ah dadaallada lagu hagaajinayo deegaanka ku hareeraysan iyo wax ka qabashada caqabadaha la xiriira howlgalka iyo amniga garoonka
Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiintu weli ma shaacin tirada dhismayaasha ay tallaabadani saameyn doonto, goobaha sida gaarka ah loo beegsanayo iyo waqtiga la fulinayo qorshaha rarista ama duminta, Kormeerka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo mas’uuliyiin kale oo sare


0 Comments