France Football oo go’aamisay ku guuleysiga kubada dahabka Sidee

France Football

Majaladda caanka ah ee France Football ayaa soo afjartay

 Majaladda caanka ah ee France Football ayaa soo afjartay dood ka taagneyd in waxqabadka ciyaartoyda bilowga xilli ciyaareedka 2026/27 lagu dari doono qiimeynta abaalmarinta Ballon d’Or 2026 xafladda abaalmarinta ayaa lagu qabanayaa London 26-ka Oktoobar 2026 waxaana lagu bixin doonaa abaalmarinnada shaqsiyeed ee ugu waaweyn kubadda cagta, oo ay ugu horreyso Ballon d’Or-ka ciyaaryahanka ugu fiican sannadka

France Football ayaa caddeysay in qiimeynta Ballon d’Or 2026

France Football ayaa caddeysay in qiimeynta Ballon d’Or 2026 ay ku saleysan tahay waxqabadka ciyaartoyda intii u dhaxaysay 3-da Agoosto 2025 ilaa 19-ka Luulyo 2026, Taas macnaheedu waa in kulamada iyo bandhigyada ciyaartoyda ee bilowga xilli ciyaareedka 2026/27 aan lagu darin Ballon d’Or 2026 muddadaas qiimeynta ah waxaa sidoo kale lagu daray tartamada caalamiga ah ee waaweyn

Sida Koobka Adduunka, AFCON-ka ragga iyo Asian Cup

Sida Koobka Adduunka, AFCON-ka ragga iyo Asian Cup, iyo sidoo kale marxaladda ugu dambeysa ee UEFA Nations League-ka haweenka dhanka kale, AFCON-ka haweenka, oo soo dhammaaday 16-kii Agoosto, waxaa lagu dari doonaa qiimeynta Ballon d’Or 2027, maadaama uu ka baxsan yahay muddada loo dejiyay abaalmarinta sanadkan

Sidaas darteed, ciyaartoyda 30-ka ah ee loo magacaabay Ballon d’Or 2026 waxaa lagu qiimeynayaa waxqabadkoodii xilli ciyaareedkii 2025/26, halka qaab ciyaareedkooda xilli ciyaareedka cusub uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin abaalmarinta 2026

Post a Comment

0 Comments