Harry Kane oo ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or 2026, taariikh cusubna dhigay

Ballon d’Or 2026

Weeraryahanka Bayern Munich iyo kabtanka xulka England

 Weeraryahanka Bayern Munich iyo kabtanka xulka England, Harry Kane, ayaa ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or ee sanadka 2026, isaga oo noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Ingiriis ah ee ku guuleysta abaalmarintan tan iyo Michael Owen oo hantay sannadkii 2001 Kane ayaa abaalmarinta lagu guddoonsiiyay xaflad ka dhacday magaalada London  kaddib xilli ciyaareed uu dhaliyay goolal badan

Isla markaana uu guulo waaweyn la gaaray kooxdiisa iyo xulka

Isla markaana uu guulo waaweyn la gaaray kooxdiisa iyo xulka qarankiisa sida ay sheegtay xiriirka kubadda cagta England, Harry Kane ayaa xilli ciyaareedkii 2025–2026 dhaliyay 73 gool 65 kulan oo uu u ciyaaray Bayern Munich iyo xulka England, kuwaas oo 61 gool uu u dhaliyay kooxdiisa Bayern Munich

Goolashiisa ayaa door muhiim ah ka qaatay guulihii Bayern Munich

Goolashiisa ayaa door muhiim ah ka qaatay guulihii Bayern Munich, oo ku guuleysatay horyaalka Bundesliga iyo koobka Jarmalka ee DFB-Pokal, halka xulka England uu gaaray kaalinta saddexaad ee Koobka Adduunka 2026 guushan ayaa Kane ka dhigtay ciyaaryahankii shanaad ee Ingiriis ah ee taariikhda ku guuleysta Ballon d’Or, isaga oo ku biiray halyeeyadii Stanley Matthews, Bobby Charlton, Kevin Keegan iyo Michael Owen

Ballon d’Or oo keliya kuma ekaan guulaha Kane, waxaana sidoo kale la guddoonsiiyay abaalmarinta Gerd Müller Trophy, taas oo lagu maamuuso gooldhaliyaha ugu sarreeya ee ragga, kaddib bandhiggiisii cajiibka ahaa ee kooxda iyo qaranka Kane ayaa abaalmarintan ku hantay xilli uu muujiyay joogteyn dhanka goolasha ah, taas oo magaciisa ka dhigtay mid ka dhex muuqda ciyaartoyda ugu wanaagsan kubadda cagta adduunka

Guusha Harry Kane ayaa sidoo kale soo afjartay sugitaan 25 sano ah oo ay England ugu jirtay abaalmarinta Ballon d’Or, iyadoo Michael Owen uu ahaa ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee Ingiriis ah ee ku guuleysta sannadkii 2001

Post a Comment

0 Comments