Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa beeniyay in wasaaraddiisu lacag ka jartay miisaaniyadda ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan qoondada loogu talagalay agoonta iyo naafada ciidamada, isagoo sheegay in lacagaha loo qoondeeyay ciidanka si joogto ah loo bixiyo
Wasiirka ayaa arrintan ka sheegay fadhigii maanta
Wasiirka ayaa arrintan ka sheegay fadhigii maanta ee Golaha Shacabka, halkaas oo uu kaga jawaabayay su’aalo ay xildhibaannadu ka weydiinayeen arrimaha miisaaniyadda iyo lacagaha loogu talagalay ciidamada Biixi Iimaan ayaa caddeeyay in wasaaradda maaliyaddu aysan wax dhimis ah ku sameyn lacagaha ciidanka, isaga oo xusay in qoondada bil kasta loogu talagalay la bixiyo, ayna ku jiraan lacagaha la xiriira agoonta iyo naafada
Wasaaradda Maaliyadda ma jirto lacag ay ka goysay
Wasaaradda Maaliyadda ma jirto lacag ay ka goysay oo ku saabsan ciidanka xoogga, ama agoon ha noqoto ama naafo ha noqoto ama mid kale ha noqotee. Bil kasta lacagta waajibka ku ah baa la siiyaa,” ayuu yiri wasiirka wasiirka oo faahfaahin ka bixinayay habka loo maareeyo qoondada ciidanka ayaa sheegay in wasaaraddu ay maamusho miisaaniyadda guud, isla markaana bil kasta la sii daayo lacagta loo asteeyay ciidanka
Sidoo kale wuxuu xusay in arrimaha la xiriira askarta ka baxda ciidanka, kuwa ka fakata iyo askarta cusub ee lagu beddelayo ay mas’uul ka yihiin hay’adaha ay khuseyso annagu miisaaniyadda guud ee ciidanka xoogga sida ay tahay ayaan u maareynaa. Ma jirto hal dollar oo ay wasaaradda maaliyaddu ka goysay. Bil kasta lacagta loo qoondeeyey ayaan siinnaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirku.


0 Comments