Dalladda Bulshada Rayidka ee Soomaaliya (SONSA)
Dalladda Bulshada Rayidka ee Soomaaliya (SONSA) ayaa si adag u cambaareysay dilka Ismaaciil Cali Abukar, oo ahaa wiil lix jir ah, kaas oo 4-tii Oktoobar 2026 lagu dilay isagoo ku sugnaa guriga waalidkiis ee magaalada Muqdisho Sida lagu sheegay bayaan ay SONSA soo saartay, dilka Ismaaciil waxaa lagu eedeeyay ciidanka booliska, kuwaas oo rasaas ku furay dad ka soo horjeeday qorshaha dowladda ee dhulka la sheegay in laga rarayo
Wararka la soo gudbiyay ayaa sidoo kale sheegay
Wararka la soo gudbiyay ayaa sidoo kale sheegay in dhacdada ay uu ku dhintay qof kale, iyadoo dhowr qofna ay dhaawacmeen SONSA waxay sheegtay inay aad uga walaacsan tahay xaaladda, iyadoo xustay muhiimadda ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo barakicinta qasabka ah ee dadka laga saarayo dhulka ay deggan yihiin
Ma aha markii ugu horreysay ee dad rayid ah
Ma aha markii ugu horreysay ee dad rayid ah ay ku naf waayaan hawlgallo la xiriira qorshahan, iyadoo deegaano qaar lagu burburiyey guryihii ay dadku ku noolaayeen,” ayaa lagu yiri bayaanka dalladdu waxay ugu baaqday baaritaan madax-bannaan, hufan oo dhab ah oo lagu sameeyo dhacdada iyo xadgudubyada kale ee la xiriira dadka rayidka ah, iyadoo sheegtay in cid kasta oo lagu helo inay mas’uul ka tahay ay tahay in lala xisaabtamo
SONSA waxay sidoo kale dowladda ugu baaqday inay dib u eegto qorshaha dhulka iyo habka loo fulinayo, iyadoo ku adkaysatay in fulintu ay ka dhalatay dhimasho, dhaawac iyo barakac dalladdu waxay sheegtay in la xaqiijiyo ilaalinta xuquuqda dadka ay saameynayaan tallaabooyinkaasi, iyadoo si gaar ah loogu baahan yahay in la dhowro carruurta, haweenka iyo dadka kale ee nugul
Ugu dambeyn, SONSA waxay ugu baaqday waxgaradka, culimada, odayaasha dhaqanka iyo hoggaamiyeyaasha bulshada inay si wadajir ah uga hortagaan xadgudubyada, isla markaana ay door ka qaataan ilaalinta nabadda iyo xuquuqda dadka rayidka ah
SONSA waxay bayaanka ku sheegtay in isla-xisaabtanka iyo dhowrista xuquuqda aadanaha ay muhiim u yihiin xal u helidda khilaafaadka iyo ilaalinta bulshada


0 Comments