Soomaaliya oo taariikh cusub ka dhigaysa ka qaybgalka koobka Adduunka ee FIFA U-15

Soomaaliya

Xulka qaranka Soomaaliya ee da’yarta ka yar 15 jirrada

 Xulka qaranka Soomaaliya ee da’yarta ka yar 15 jirrada, Ocean Stars, ayaa markii ugu horreysay ka qaybgalaya tartanka FIFA U-15 World Cup iyo Festival, kaas oo maanta oo Sabti ah ka furmaya magaalada Baku ee dalka Azerbaijan Tartankan oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah ayaa waxaa ka qaybgalaya 189 urur oo ka tirsan xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA

Halka 78 ka mid ah ay markii ugu horreysay ka qaybgalayaan 

Halka 78 ka mid ah ay markii ugu horreysay ka qaybgalayaan tartan koob Adduun oo FIFA ah ka qaybgalka Soomaaliya ayaa loo arkaa tallaabo muhiim u ah horumarinta kubadda cagta da’yarta, maadaama uu fursad siinayo ciyaartoyda da’da yar inay dalkooda ku matalaan madal caalami ah tartanka ayaa socon doona muddo lix maalmood ah, iyadoo la qorsheeyay in kulamadu ku bilowdaan wareeg saddex maalmood ah oo lagu kala saarayo kooxaha, ka hor inta aan loo gudbin marxaladda tartanka oo ka kooban lix heer

Kooxda ku guuleysata heerka A ayaa loo caleemo saari doonaa

Kooxda ku guuleysata heerka A ayaa loo caleemo saari doonaa horyaalka tartanka si ka duwan koobabka Adduunka ee caadiga ah, tartankan ma yeelan doono wareegyo bug-bax ah. Ciyaaraha waxaa lagu ciyaari doonaa qaab siddeed ciyaaryahan ah koox kasta, iyadoo kulan kasta uu ka koobnaan doono laba qaybood oo min 20 daqiiqo ah Marka laga soo tago kulamada, ciyaartoyda waxaa loo qaban doonaa barnaamijyo waxbarasho

Kulammo ay la yeeshaan halyeeyada kubadda cagta iyo hawlo wacyigelin ah oo qayb ka ah qorshaha FIFA ee horumarinta ciyaartoyda da’da yar FIFA ayaa sheegtay in tartankan uu qayb ka yahay dadaallada lagu ballaarinayo fursadaha ay ciyaartoyda da’yarta ah ee dalalka kala duwan ku helayaan khibrad caalami ah. Waxaa sidoo kale la qorsheeyay in tartan u dhigma oo gabdhaha U-15 ah la qabto sannadka 2027

Ka hor inta aan tartamada wiilasha iyo gabdhaha laga dhigin kuwo sannadle ah laga bilaabo 2028 Soomaaliya ayaa tartankan kaga mid ah dalalka markii ugu horreysay ka qaybgalaya tartan koob Adduun oo FIFA ah, taas oo fursad cusub u abuureysa jiilka soo koraya ee kubadda cagta dalka

Ka qaybgalka Ocean Stars ee magaalada Baku ayaa sidaas ku noqonaya bog cusub oo u furmaya kubadda cagta da’yarta Soomaaliyeed iyo dadaallada lagu gaarsiinayo heer caalami ah 

Post a Comment

0 Comments