Xaaladda Baydhaba oo laga digayo Maxaa soo kordhay?

Xaaladda Baydhaba

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Isku-dubaridka

 Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Isku-dubaridka Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA) ayaa walaac ka muujiyay colaadda ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, isagoo ka digay in rabshadaha soo noqnoqday ay sii xumeynayaan xaaladda nololeed ee dadka deegaanka Hay’addu waxay sheegtay in dagaalladu ay dhibaato hor leh ku hayaan bulshada oo markii horeba la tacaalaysay abaaro 

Barakac daba-dheeraaday iyo duruufo nololeed oo adag

Barakac daba-dheeraaday iyo duruufo nololeed oo adag, taas oo sii kordhinaysa baahida loo qabo gargaar bani’aadannimo dadka ay xaaladdu sida gaarka ah u saameysay waxaa ka mid ah barakacayaasha, haweenka, carruurta, waayeelka iyo dadka naafada ah, kuwaas oo wajahaya khataro dheeraad ah oo ka dhashay amni-darrada iyo barakaca soo noqnoqday

Sida lagu sheegay bayaanka OCHA

Sida lagu sheegay bayaanka OCHA, colaadda ayaa qoysas badan ku khasabtay inay ka baxaan guryahooda, iyagoo luminaya hoygoodii iyo fursadihii ay ku heli lahaayeen adeegyada aasaasiga ah iyo gargaarka ay u baahan yihiin xafiiska ayaa sidoo kale ka digay in xaaladda bani’aadannimo ay kasii dari karto

Iyadoo ay jiraan walaacyo la xiriira khatarta macaluusha, nafaqo-darrada carruurta iyo saadaasha daadadka ka dhasha roobabka la xiriira El Niño OCHA ayaa dhinacyada ku lugta leh dagaalka ugu baaqday inay si degdeg ah u dejiyaan xiisadaha, muujiyaan is-xakameyn, kana fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta colaadda ama halis gelin karta shacabka

Hay’addu waxay carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dadka rayidka ah iyo kaabayaasha ay ku tiirsan yihiin, iyadoo xustay in sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimadu dhigayo in la dhowro xarumaha caafimaadka, isbitaallada, dugsiyada iyo goobaha kale ee rayidka waxay si gaar ah uga digtay weerarrada lagu qaado xarumaha caafimaadka

Iyadoo ku baaqday in shaqaalaha gargaarka iyo hantida hay’adaha bani’aadannimada laga ilaaliyo khataraha amni ee ka dhasha colaadda sidoo kale, OCHA ayaa dalbatay in hay’adaha gargaarka loo oggolaado marin ammaan ah oo degdeg ah, si ay kaalmo u gaarsiiyaan dadka ay dagaalladu saameeyeen, iyada oo aan la hor istaagin ama la takoorin dadka u baahan taageerada

Hay’addu waxay sheegtay in hay’adaha bani’aadannimada ee Soomaaliya ay ka go’an tahay caawinta dadka ugu nugul, ayna diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan maamulka iyo bulshada si loo yareeyo dhibaatada haysata shacabka ugu dambeyntiina, OCHA waxay ku celisay baaqeeda ah in si degdeg ah loo joojiyo rabshadaha, lagana hortago barakac hor leh iyo dhibaato kale oo soo gaarta nolosha iyo karaamada dadka rayidka ah ee ku nool Baydhab


Post a Comment

0 Comments