Xulka Soomaaliya U-17 Oo Garaacay Kenya, Una Gudbay Semi-finalka Tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya

Xulka qaranka Soomaaliya ee da’yarta ka yar 17 sano

  Guushan ayaa timid kaddib markii Soomaaliya ay barbarre 1-1 ah adkaadeen kulan ka tirsanaa isreebreebka tartanka CECAFA ee u soo bixitaanka Koobka Qaramada Afrika ee da’yarta U-17 Kulanka oo Talaadadii lagu ciyaaray garoonka Kigali PelĂ© ee caasimadda Rwanda, ayaa Soomaaliya u horseeday inay u gudubto wareegga afar-dhamaadka

Kaddib bandhig ciyaareed ay ku muujiyeen awood

Kaddib bandhig ciyaareed ay ku muujiyeen awood iyo isku-duubni Maxamed Cusmaan ayaa Soomaaliya hoggaanka u dhiibay daqiiqaddii 41-aad, wax yar ka hor dhammaadka qaybtii hore ee ciyaarta. Inkasta oo xulka Kenya uu isku dayay inuu natiijada wax ka beddelo, haddana Cabdullaahi Xaashi ayaa daqiiqaddii 85-aad dhaliyay goolka labaad, isaga oo xaqiijiyay guusha Soomaaliya

Guushan ayaa timid kaddib markii Soomaaliya ay barbarre 1-1 ah

Guushan ayaa timid kaddib markii Soomaaliya ay barbarre 1-1 ah la gashay Tanzania, oo ah kooxda difaacanaysa horyaalka CECAFA, isla markaana horay ugu soo guuleysatay kaalinta labaad ee Koobka Qaramada Afrika ee da’yarta Soomaaliya ayaa sidaas ku dhammaysatay kulamadii wareegga group-yada iyadoo aan wax guuldarro ah la kulmin

Taas oo muujinaysa horumarka uu sameynayo xulka da’yarta dalka Group-ka saddexaad ayaa yeeshay xaalad dhif ah, iyadoo Soomaaliya iyo Tanzania ay ku dhammeysteen dhibco iyo tirokoob isku mid ah labada xul ayaa min afar dhibcood helay, min saddex gool dhaliyay, hal gool laga dhaliyay, waxaana mid kasta uu yeeshay farqiga goolasha oo ah laba gool oo dheeraad ah sidoo kale, kulankii dhexmaray labada kooxood ayaa ku dhammaaday barbarre 1-1 ah

Sidaas darteed, Soomaaliya iyo Tanzania ayaa labaduba u gudbay semi-finalka tartanka guushan ayaa rajo cusub u abuureysa kubadda cagta Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo ciyaartoyda da’yarta iyo sidii xulka qaranka U-17 uu uga mid noqon lahaa kooxaha u tartama heerka qaaradda Afrika

Post a Comment

0 Comments