Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya, Jenaraal Cabdalla Cabdalla
Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya, Jenaraal Cabdalla Cabdalla Maxamed, ayaa ka digay khatar amni oo ka dhalan karta bixitaanka ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in dowladda federaalku aysan ciidamadeeda u diyaarin la wareegidda mas'uuliyadda amniga goobaha ay ka baxayaan ciidamada Uganda
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu Jenaraal Cabdalla ku sheegay in bixitaanka ciidamada Uganda uu abuuri karo firaaq amni oo khatar gelin kara amniga caasimadda Muqdisho, isaga oo xusay in ciidamada Soomaaliya aan loo diyaarin gudashada waajibaadka amni ee ka dhalanaya bixitaanka ciidamada shisheeye
Digniinta taliye ku xigeenka booliska ayaa imanaysa
Digniinta taliye ku xigeenka booliska ayaa imanaysa xilli madaxda dowladda federaalku ay dhowaan muujiyeen kalsooni ku aaddan awoodda ciidamada Soomaaliya ee la wareegidda amniga dalka, gaar ahaan gobolka Banaadir ciidamada Uganda ayaa dhawaan la filayaa in ay ka baxaan qaar ka mid ah goobaha ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo ku dhow Muqdisho
Bixitaankooda ayaa su'aalo ka keenaya sida dowladda federaalku ula wareegi doonto amniga deegaannadaas iyo qorshihii lagu sugayay amniga caasimadda iyo nawaaxigeeda hadalkan uu sheegay taliye ku xigeenka Booliiska ayaa dhalin kara su'aalo ku saabsan mowqifka hoggaanka booliska iyo sida ay dowladda uga falcelin doonto digniinta sarkaal ka tirsan taliska sare ee booliska oo si fagaare ah u muujiyay walaac ku saabsan diyaar-garowga ciidamada dalka


0 Comments