Qorista ay dawladda sacuudiga si toos ah
Qorista ay dawladda sacuudiga si toos ah ugu qoranayso askarta somalida ah muddo aan la cayimin waxa ay ka dhigan tahay dhaqdhaqaaqyo cusub oo dhanka xidhiidhka difaaca caalamiga ah iyo dhaqamada calooshood u shaqeystayaal ah Ciidamadan cusub ayaa la sheegay in la geyn doono dalka sudan halkaasoo sacuudiga uu dano gaar ah ka leeyahay, balse ay caqabado amni oo badan kala kulmaan waxaana uu rabaa in ay ka barbar dagaalamaan ciidanka sudan si qalalase loogu sii abuuro
Sudan ayaa ku jirta dagaalo sokeeye aan weli xal
Sudan ayaa ku jirta dagaalo sokeeye aan weli xal laga gaarin Sarkaal hore oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee colombia ayaa hogaaminaya hindisaha habka qorista oo ay maamulayso saraakiil sacuudiyaan ah ayaa u ballan qaadaysa shaqooyin mushahar fiican leh oo la siinayo ragga dhallinyarada ah ee loo qorayo shaqada waxayna muujinaysaa isbeddel muuqda oo ku yimid istaraatiijiyadda difaaca sacuudiga Sacuudiga ayaana maalgelinayay hindisahan, oo loo ekaysiiyay mid ammaan oo looga hortagayo afduubka ka dhaca meelaha ka baxsan xeebaha Geeska Afrika
Wuxuu sacuudiga sidoo kale siiyay fursad
Wuxuu sacuudiga sidoo kale siiyay fursad ay kaga mid noqoto arrimaha Soomaaliya Markii ay colaadda Suudaan sii xumaatay sannadkii 2023, caddeymo cusub ayaa tilmaamay dhaqdhaqaaqa calooshood u shaqeystayaasha ee sii mara Soomaaliya warbaahinta Colombia ayaa ku warrantay in dagaalyahanno laga soo qoray shirkado xiriir la leh sacuudigaa loo daabulay Darfur iyadoo la isticmaalayo waddooyin dhuumaaleysi ah oo soo mara Soomaaliya, gaar ahaan Boosaaso, iyo Chad calooshood u shaqeystayaashan waxaa loo ballanqaaday mushahar gaaraya ilaa $3,000 bishii iyo gunnooyin dhan $10,000 Hawlgalka sacuudiga ka wado bariga africa gaar ahaan dhinaca milateriga iyo dhaqaalaha
Waxa uu bud-dhig u ahaa siyaasaddiisa arrimaha dibadda ayaa horey ugu lug lahaa tababarida askarta Soomaaliya iyo sameynta saldhigyo ciidan iyo ka qeyb qaadashada mashaariicda bani’aadanimo iyo kaabayaasha dhaqaalaha falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in qorshuhu uu la jaan qaadayo hadafka ballaaran ee sacuudiga leeyahay ee ah inuu awood ku sameeyo gobolka iyo ka hortagga khataraha gobolka, gaar ahaan kooxaha taabacsan Iran sida dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen iyo kooxaha sida Al Shabaab ee Soomaaliya sacuudiga ayaa dhawaanahan waxaa lagu dhaleeceeyay taageerada ay siiso ciidamada Sudan dagaalka ay kula jiraan ciidamada RSF

0 Comments