Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal qorshaysan oo ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu bartilmaameedsaday kulan ay lahaayeen saraakiil sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab Shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay, ayuu wasiirku sheegay in howlgalka lagu qaaday goob loo yaqaan Villa Aadan Yabaal
Halkaas oo sida uu sheegay ay ku sugnaayeen horjoogayaal
Halkaas oo sida uu sheegay ay ku sugnaayeen horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo qorsheynayay howlgallo iyo weerarro ka dhan ah shacabka iyo ciidamada dowladda Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in kulanka uu hoggaaminayay Yuusuf Ciise Kabekutukade, oo dowladda ay ku tilmaantay madaxa Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana uu dhaawac culus kasoo gaaray howlgalka
Wasiirka ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay tiro
Wasiirka ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay tiro ka mid ah horjoogayaasha sare ee kooxda, kuwaas oo ay ku jireen masuuliyiin qaabilsanaa sirdoonka, amniga, maaliyadda iyo xiriirka beelaha ee Al-Shabaab sida uu sheegay Fiqi, dadka lagu dilay howlgalka waxaa kamid ahaa: Macallin Carab, oo lagu sheegay madaxa sirta Al-Shabaab ee gobolka Galgaduud, Sheekh Cabdullaahi Maxamuud Aw Jiilab, oo lagu sheegay ku-simaha hoggaamiyaha Al-Shabaab ee degmada Aadan Yabaal,
Macallin Zakariye, oo lagu sheegay masuulka amniga kooxda ee gobolka Hiiraan, Suldaan Cali Muuse, oo kooxda u qaabilsanaa arrimaha beelaha. Iyo saraakiil kale oo ka tirsanaa waaxyaha kala duwan ee Al-Shabaab Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka lagu burburiyay afar gaari oo ay adeegsanayeen xubnaha kooxda, kuwaas oo ay ku jireen gaadiid dagaal
Dhanka kale, wuxuu sheegay in dhaawacyo culus ay soo gaareen qaar ka mid ah horjoogayaasha kooxda, oo uu ku jiro Yuusuf Ciise Kabekutukade, iyo saraakiil kale oo ka tirsanaa maamulka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe Fiqi ayaa sheegay in xogta sirdoonka ay door muhiim ah ka qaadatay howlgalka, isla markaana dowladda ay sii wadi doonto beegsiga xubnaha sare ee Al-Shabaab ee qorsheeya weerarrada iyo qaraxyada
Ma jirto meel ay ku nabad geli karaan horjoogayaasha argagixisada ee maleegaya qorshayaasha ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiri wasiirka oo ka hadlayay howlgalka howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka socda qaar ka mid ah gobollada dhexe iyo koonfurta Soomaaliya

0 Comments