Taliska Booliska Magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay
Taliska Booliska Magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee degmadaasi iyo barakac la sheegay inay bilaabeen qaar kamid ah dadka deegaanka ee ku dhaqan magaaladaasi oo dhawaan ay ku dagaalameen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen
Taliyaha Saldhiga Booliska Baydhaba, Cali Taagey
Taliyaha Saldhiga Booliska Baydhaba, Cali Taagey ayaa sheegay in dadka haatan ka baxaya magaalada ay u badan yihiin dad markii hore qax ahaan ku yimid Baydhaba iyo xaasaska Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay dadka Baydhabo ka qaxaya awalba qax ayey ku yimaadeen magaalada hanaga baxaan, waa xaasaskii niyuu Al-Shabaab,” ayuu yiri Taliyuhu
Cali Taagey ayaa sidoo kale farriin culus u diray shacabka
Cali Taagey ayaa sidoo kale farriin culus u diray shacabka magaalada Baydhaba, wuxuuna ugu baaqay inay daganaan muujiyaan, isla markaana ay ku nagaadaan guryahooda, maadaama hadda xaaladda guud ay dagan tahay Shacabka Baydhaba waxaan ugu baaqayaa inay is dajiyaan waxaan u sheegaynaa khaladaadka meel kasta ayuu ka dhacaa, laakiin guud ahaan magaalada waa nabad, amnigana waa sugan yahay,” ayuu raaciyay
Dhinaca kale, wuxuu digniin u diray askarta rasaasta ka dhex rida maaalada gudaheeda, isaga oo talisyada ugu baaqay inay xakameeyaan ciidamadooda, isla markaana tallaabo adag laga qaado askarigii ku xadgudba shacabka xaaladda guud ee magaalada Baydhaba ayaa hadda deggan, waxaana laba todobaad kadib saaka dib ugu laabtay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho
Aadan Madoobe ayaa intii uu joogay caasimada kulamo la yeeshay madaxda dowladda oo uu kala hadlay xaaladaha kasoo cusboonaaday maamulkaasi.

0 Comments