War naxdin leh oo kasoo kordhay dagaalkii Baydhaba

dagaalkii Baydhaba

Macluumaad dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha

 Macluumaad dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkii maalin ka hor ka dhacay gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) Khasaaraha ayaa haatan sii kordhaya, iyadoo ay isa soo tarayaan warbixinada ka imaanaya magaalada Baydhaba

Halkaas oo laga dareemayo saameynta dagaalkii Isniintii 

Halkaas oo laga dareemayo saameynta dagaalkii Isniintii lasoo dhaafay ka dhacay magaaladaasi telefishinka Universal o booqday goobihii lagu dagaalamay aya tegay xero barakacayaal ah oo ku taalla magaalada, taas oo uu saameeyay gaari qarax ah oo la sheegay inuu halkaasi ku qarxay, waxaana ku dhintay 6 qof oo shacab ah Dadka ku dhintay qaraxa waxaa ka mid ahaa hooyo korinaysay carruur agoon ah oo lagu magacaabi jiray Mayrow Cabdullaahi Uudey iyo laba carruur ah oo ay dhashay

Kadib markii qaraxu ku haleelay gurigooda oo cowshado

Kadib markii qaraxu ku haleelay gurigooda oo cowshado ka sameysnaa qaar kamid ah dadka deegaanka oo maanta aasay dadkii ku geeriyooday musiibadaasi ayaa la hadlay Universal TV, iyagoo sheegay inay aad uga argagaxeen dhibaatada ka dhacday halkaasi meeshaan waxaa nooga dhintay lix qof, waxaana ku jiray hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay,” ayay tiri haweeney kamid ah dadka deegaanka 

Sidoo kale Maxamed Aadan Maxamed oo kamid dadka ku nool kaamka ay mashaqadu ka dhacday ayaa ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen. “Gaariga qaraxa watay oo nimanka kor ay la yimaadeen ayaa dhibaatadan na gaarsiiyay, waxaana nagu dhacay guri la’aan iyo ilmo la’aan dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo bandhigtay warbixin xasaasi ah oo ku aadan dagaalkii ka dhacday Baydhaba ayaa sheegtay inay ka qayb-qaateen 

Maeeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, waxaana ay baahisay baahisay sawirro laga soo qaaday goobta oo ay kusoo bandhigtay illaa 4 caddeymood oo waa wayn, kuwaas oo ay ku jiraan gaadiid qaraxyo ka buuxaan oo la adeegsaday iyo naftood-haligayaal ka tirsan Khawaarijta oo la sheegay inay is qarxiyeen

Post a Comment

0 Comments