Golaha Samatabixinta Soomaaliya ayaa si adag
Golaha Samatabixinta Soomaaliya ayaa si adag uga horyimid habka loo wajahayo doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, oo maanta lagu wado inay ka dhacdo xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho Golaha ayaa shalay qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay walaaca uu ka qabo hannaanka doorashada, isagoo ku eedeeyay dowladda Federaalka inay faragelin ku sameysay tartanka loogu jiro xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Himilo Qaran
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Himilo Qaran, ahna xubin ka tirsan Golaha Samatabixinta, Yuusuf Xuseen Gama’diid, ayaa akhriyey bayaanka Golaha, isagoo sheegay in xog ay ururiyeen ay muujineyso in doorashadu tahay hannaan “hal dhinac ah Gama’diid ayaa sheegay in qaar ka mid ah xildhibaanadii doonayay inay u tartamaan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka laga hor istaagay inay si rasmi ah u shaaciyaan musharraxnimadooda ama ay iska diiwaangeliyaan tartanka
Xildhibaanadii dowladda taageersanaa way ku dhawaaqeen
Xildhibaanadii dowladda taageersanaa way ku dhawaaqeen musharraxnimadooda, halka qaar kale oo iyaguna doonayay inay tartamaan loo yeeray, loo hanjabay, laguna wargeliyay inaysan tartami karin ama isdiiwaangelin karin,” ayuu yiri Gama’diid Golaha ayaa sheegay inuusan taageersanayn doorashada, wuxuuna tilmaamay in go’aanno kale laga soo saari doono xaaladda, iyadoo lagu xirayo natiijada doorashada maanta
Dhanka kale, Xildhibaan Xasan Yare, oo ka tirsan Golaha Shacabka isla markaana xubin ka ah Golaha, ayaa doorashada ku tilmaamay mid natiijadeeda horay loo sii ogaa xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa bannaanaaday 20-kii Juun, kaddib markii Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) uu ka degay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, kadib markii loo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya
Doorashada maanta ayaa kusoo beegmaysa xilli siyaasadda Soomaaliya ay marayso marxalad xasaasi ah, iyadoo dhinacyada siyaasadda ay isku khilaafsan yihiin hannaanka doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee dalka Laba musharrax oo kala ah Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Cabdulqaadir Cumar ayaa si rasmi ah ugu tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

0 Comments