Puntland oo shaacisay inay gacanta ku dhigtay ciidamo iyo hubkii ay wateen

Puntland

Ciidanka booliska gobolka Karkaar ayaa shaaciyay 

 Ciidanka booliska gobolka Karkaar ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen ciidamo maleeshiyaad hubaysan ah oo shalay jidgooyo dhigtay duleedka bari ee magaalada Qardho Maleeshiyaadkan oo la sheegay inay dhibaato ku hayeen shacabka iyo isu socodka gaadiidka ayay ciidamada booliska Karkaar ku soo qabteen howlgal qorsheysan

Howl-galkaan ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen

Howl-galkaan ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen warar ku saabsan maleeshiyaad hubaysan oo jidgooyo dhigtay duleedka bari ee magaalada Qardho, kuwaas oo carqalad ku hayay dadka isaga kala gooshaya waddada qoraal kasoo baxay booliska gobolka Karkaar ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanku ay qabteen maleeshiyaad abaabulan oo jidgooyo dhigtay

Iyadoo sidoo kale gacanta lagu dhigay hubkii ay wateen

Iyadoo sidoo kale gacanta lagu dhigay hubkii ay wateen xilliga la qabanayay ciidamada amniga waxay qabteen maleeshiyaad abaabul oo jidka goostay, kuwaas oo dhibaato ku hayay shacabka iyo isu socodka dadka iyo gaadiidka. Sidoo kale waxaa la qabtay hubkii ay wateen,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska

Howl-galka lagu soo qabtay maleeshiyaadkan ayaa waxaa hoggaaminayay taliyaha qaybta booliska gobolka Karkaar, G/sare Bashiir Maxamed Maxamuud, iyo taliyaha madaxtooyada gobolka Karkaar, Gaashaanle Cabdi Xirsi Aadan labada taliye ayaa la sheegay inay howl-galka ka fuliyeen aaggaasi xilli ay safar kaga yimaadeen deegaanka Kuur-ilaalo ee degmada Rako-raaxo, waxaana ciidamada ay sameeyeen tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga iyo isu socodka waddada

Taliska qaybta booliska gobolka Karkaar ayaa ugu dambeyn sheegay in uusan u dulqaadan doonin cid kasta oo isku dayda inay jidgooyo dhigato, cabsi geliso shacabka ama carqalad ku noqoto amniga iyo kala dambeynta, isagoo xusay in ciidamada ay sii wadi doonaan howl-gallada lagu sugayo amniga gobolka

Post a Comment

0 Comments