Cristiano Ronaldo ayaa bixiyay hadallo si weyn u kiciyay
Cristiano Ronaldo ayaa bixiyay hadallo si weyn u kiciyay su’aalaha ku saabsan mustaqbalkiisa kubadda cagta, isagoo sheegay inuu durba qorsheeyay noloshiisa marka uu ciyaaraha ka fariisto wareysiga uu siiyay Vogue ayuu ku sheegay in mustaqbalka uu leeyahay qorsheyaal badan, taasoo ka dhigaysa mid adag inuu hal arrin oo keliya magacaabo
Ronaldo ayaa sheegay in marka kubaddu dhammaato
Ronaldo ayaa sheegay in marka kubaddu dhammaato ay qofka ka tagi karto meel bannaan oo weyn, sidaas darteed uu muhiim u yahay inuu haysto waxyaabo kale oo waqtigiisa buuxiya Xiddiga reer Portugal ayaa sidoo kale sheegay inuu doonayo inuu nolosha si ka badan ugu raaxaysto, isagoo qorsheynaya inuu safar badan galo, daawado iyo ciyaaro padel, oo ah ciyaar uu aad u jecel yahay hadalladan ayaa imanaya xilli Ronaldo uu bixiyay tilmaantiisii ugu caddeyd ee ku saabsan dhamaadka xirfaddiisa
Isagoo sheegay in xilli ciyaareedkan uu u badan yahay
Isagoo sheegay in xilli ciyaareedkan uu u badan yahay inuu yahay sannadkiisii ugu dambeeyay ee kubadda cagta, Wuxuu sidoo kale sheegay inuu doonayo inuu ka tago dhaxal weyn oo xusuus mudan Ronaldo wuxuu tilmaamay in waqtigan uu doonayo inuu ku raaxaysto waxyaabihii uu kasbaday intii uu ku jiray xirfaddiisa dheer, isagoo xusay in 25-kii sano ee uu kubadda cagta ku jiray ay ahaayeen kuwo ay ka buuxeen dadaal iyo naf-hurid maalinle ah.

0 Comments