Shabaab u badan ajaaniib oo soo buux dhaafiyay deegaan muhiim ah iyo dhaq dhaqaaq…

Shabaab

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Janaale

 Wararka naga soo gaaraya deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi laga dareemayo dhaqdhaqaaq ciidan, kadib markii maleeshiyaad badan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu arkay tuulooyin dhowr ah oo hoostaga deegaanka ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab, oo ay ku jiraan dagaalyahanno ajaanib ah, ay soo buuxiyeen tuulooyinka Ugunji, Deg-Wariiri iyo Busleey oo ku yaalla agagaarka Janaale

Wararka ayaa sheegaya in tiro badan oo maleeshiyaadkaas ah

Wararka ayaa sheegaya in tiro badan oo maleeshiyaadkaas ah la geeyay Ugunji iyo Deg-Wariiri, kuwaas oo qaarkood la sheegay inay yihiin ajaanib u badan Kenyan iyo Itoobiyaan Sidoo kale, ilaha ayaa Caasimada Online u sheegay in kooxda ay dhufeysyo iyo godad ka qodatay deegaano u dhexeeya Ugunji iyo Deg-Wariiri, gaar ahaan nawaaxiga tuulada Busleey, taas oo muujineysa inay halkaasi ka sameysaneyso fariisimo difaac Maleeshiyaadka lagu arkay deegaanadaas ayaa la sheegay inay ku hubeysan yihiin qoryaha culus iyo gaadiid dagaal

Islamarkaana tiradooda lagu qiyaasayo boqolaal

Islamarkaana tiradooda lagu qiyaasayo boqolaal dagaalyahan oo isku fidiyay tuulooyinka ku dhow Janaale dadka deegaanka qaarkood ayaa sidoo kale sheegay in maleeshiyaadka la geeyay halkaasi ay ku jiraan dhalinyaro aad u da’yar, kuwaas oo qaarkood ay sheegeen inay ka yar yihiin 18 sano. Caasimada Online si madax-bannaan uma xaqiijin karto tirada dagaalyahannada iyo da’dooda deegaanka Janaale waxaa ku sugan ciidamada howlgalka AUSSOM, gaar ahaan ciidamada Uganda, kuwaas oo ay sidoo kale deegaanka kula sugan yihiin ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in maalmihii ugu dambeeyay ay kordheen dhaqdhaqaaqyada ciidamada dowladda iyo kuwa AUSSOM, xilli laga cabsi qabo in Al-Shabaab ay isku daydo inay sii ballaariso joogitaankeeda tuulooyinka ku dhow Janaale ilo-wareedyo deegaanka ah ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa AUSSOM laga yaabo inay saacadaha ama maalmaha soo socda qaadaan howlgallo ka dhan ah fariisimaha cusub ee kooxda. Ma jiro illaa hadda war rasmi ah oo dowladda ama AUSSOM ay kasoo saareen qorshe howlgal oo ka dhan ah maleeshiyaadka lagu arkay deegaanadaas

Janaale ayaa muddo sanado ah waxaa saldhigyo ku lahaa ciidamada Uganda ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika iyo ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo deegaanka iyo tuulooyinka ku hareereysan ay marar badan ka dhaceen dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab

Post a Comment

0 Comments