Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda
Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA), Fahad Xaaji Yaasiin Daahir, ayaa cambaareeyay go’aan uu sheegay in lagu dhimay xuquuqda dhaqaale ee loo qoondeeyo hawlgabka, ciidamada ku naafoobay difaaca dalka iyo qoysaska askartii ku dhimatay gudashada waajibaadkooda qaran Fahad Yaasiin ayaa sheegay in arrintan aysan ahayn mid maanta bilaabatay
Balse ay muddooyinkii hore jireen cabashooyin la xiriiray
Balse ay muddooyinkii hore jireen cabashooyin la xiriiray sida loola dhaqmo qaybo ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaska shuhadada, ciidamada naafada ah iyo hawlgabka wuxuu sheegay in haddii xuquuqda dhaqaale ee kooxahan la sii dhimo ay xoojin karto dareenka ah in dadka naftooda, caafimaadkooda iyo cimrigooda u huray dalka aan la siin daryeel iyo maamuuskii ay mudnaayeen
Warbixin la daabacay 25-kii Sebtembar ayaa sidoo kale
Warbixin la daabacay 25-kii Sebtembar ayaa sidoo kale sheegtay in qoysas daryeela carruurta askartii lagu dilay dagaallada Al-Shabaab ay sheegeen in lacagtii ay heli jireen laga dhimay kala bar, iyadoo lacagtii ilmihii bishii ahayd $200 laga dhigay $100. Qoysasku waxay sheegeen in aan loo sharxin sababta dhimista Fahad Yaasiin ayaa qoraalkiisa ku xusay in Dowladda Federaalka ay sannadkan soo saartay Xeerka Lr. 198 ee Hay’adda Daryeelka Agoonta Shuhadada, Naafada iyo Hawlgabka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
Wuxuu sheegay in tallaabo kasta oo lagu dhimayo xuquuqda dhaqaale ee dadkaas ay u baahan tahay in lagu saleeyo sharci cad, hannaan hufan iyo isla-xisaabtan waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo taliskiisa si cad uga dalbanayaa inay shacabka iyo Ciidanka u soo bandhigaan salka sharci ee go’aankan, cidda ansixisay, awoodda sharci ee lagu fuliyey iyo sababta culayska dhaqaale loogu bilaabay qaybaha ugu nugul Ciidanka Qaranka,” ayuu yiri Fahad Yaasiin
Sidoo kale, wuxuu sheegay in haddii aan la soo bandhigin saldhig sharci oo cad ay dhalan karaan su’aalo ku saabsan waafaqsanaanta tallaabadaas xeerarka iyo nidaamyada loogu talagalay ilaalinta xuquuqda shuhadada, naafada iyo hawlgabka Fahad Yaasiin ayaa sheegay in qoysaska askarta dhimatay aan loo samafalayn marka la siinayo taageerada dhaqaale, balse ay leeyihiin xuquuq uu sheegay inay ku muteysteen naf-hurnimadii ay sameeyeen askartii dalka u dhimatay
Shuhadadu Qaranka waxba kama aysan reeban; waxay siiyeen wixii ugu qaalisanaa ee bani’aadam leeyahay oo ah naftooda,” ayuu yiri Wuxuu intaas ku daray in ciidamada ku naafoobay dagaallada ay lumiyeen caafimaadkooda iyo awooddooda jireed iyagoo difaacaya dalka, halka carruurta iyo xaasaska askartii dhimatayna ay ku tiirsan yihiin daryeelka Qaranka

0 Comments