Puntland oo Golaha Ammaanka u gudbisay cabasho ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya

Puntland

Puntland ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

 Puntland ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbisay qoraal ay kaga hadashay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, iyadoo ku baaqday in la qabto wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, lana xoojiyo xiriirka caalamiga ah ee lala leeyahay dowlad-goboleedyada

Qoraalka oo ku taariikhaysan 13-ka Sebtembar 2026

Qoraalka oo ku taariikhaysan 13-ka Sebtembar 2026, kuna socota Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres iyo Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee bisha Sebtembar, Wakiilka Faransiiska Jérôme Bonnafont, ayaa Puntland ku sheegtay inay tahay warbixin hordhac ah oo ku saabsan ajandaha Golaha Ammaanka ee Soomaaliya bisha Oktoobar

Puntland sheegtay in tan iyo 2023 ay Dowladda Federaalka

Puntland sheegtay in tan iyo 2023 ay Dowladda Federaalka ku eedaynaysay faragelin ay ku hayso arrimaheeda gudaha, iyadoo sidoo kale ku eedaysay inay taageerto maamulo iyo kooxo hubaysan oo ka jira dhulka Puntland qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Puntland muddo ku dhow laba sano ay dagaal kula jirtay kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Cal-Miskaad, iyadoo sheegtay in hawlgalladaas aysan ka helin taageero militari, dhaqaale ama qalab oo ka timid dowladda federaalka

Puntland waxay sidoo kale Golaha Ammaanka uga digtay waxa ay ku tilmaantay soo laabashada burcad-badeedda Soomaaliya, iyadoo ku baaqday in dib loo xoojiyo iskaashiga caalamiga ah ee la xiriira amniga badda iyo hawlgallada ka dhanka ah kooxaha burcad-badeedda arrin kale oo warqadda lagu xusay ayaa ah duqaymo ka dhacay xeebaha Garmaal iyo Jiifle ee gobolka Nugaal bishii Agoosto

Puntland waxay ku eedaysay ciidamada Turkiga inay duqaymo ka geysteen xeebahaas, iyadoo sheegtay in lagu dilay Soomaali ayna waxyeello soo gaartay doonyo kalluumeysi

Post a Comment

0 Comments