International Crisis Group: Soomaaliya waxay wajahaysaa isbeddel weyn oo ku yimaadda nidaamka amniga

International Crisis Group

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group (ICG)

 Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group (ICG) ayaa sheegtay in Soomaaliya ay wajahayso kala-guur weyn oo dhinaca amniga ah, kaddib markii Mareykanku muujiyay inuusan doonayn in taageerada Qaramada Midoobay ee howlgalka Midowga Afrika ay sii socoto muddo dheer warbixintu waxay sheegtay in Mareykanku uu bishii Luulyo Midowga Afrika ku wargeliyay inuusan taageerayn kordhinta muddada Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) 

Wixii ka dambeeya dhammaadka muddada hadda jirta

Wixii ka dambeeya dhammaadka muddada hadda jirta ee Diseembar 2026. Hase yeeshee, bishii Sebtembar ayay diblomaasiyiin Mareykan ah sheegeen in Washington ay tixgelinayso 12 bilood oo dheeraad ah, taas oo siinaysa dhinacyada waqti ay ugu diyaargaroobaan kala-guurka ICG waxay sheegtay in howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM uu si weyn ugu tiirsan yahay UNSOS, oo u qaabilsan sahayda cuntada, biyaha, shidaalka iyo gaadiidka, isla markaana taageera tobannaan saldhig oo ciidamada howlgalka ay ku leeyihiin koonfurta Soomaaliya

Sida warbixintu xustay, ciidamada AUSSOM

Sida warbixintu xustay, ciidamada AUSSOM ayaa tiradoodu hoos uga dhacday ku dhowaad 22,000 askari bartamihii 2010-meeyadii ilaa qiyaastii 12,000 askari xilligan, iyadoo howlgalka uu sidoo kale wajahayo dhaqaale yari ICG waxay sheegtay in ciidamada Soomaaliya ay sannadihii dambe kobceen, iyadoo in ka badan 10,000 askari lagu tababaray taageero ay bixiyeen dalal ay ka mid yihiin Türkiye, Imaaraadka Carabta iyo Eritrea

Hase yeeshee, warbixintu waxay tilmaantay in ciidamada Soomaaliya aysan weli si buuxda oo degdeg ah ula wareegi karin dhammaan mas’uuliyadaha AUSSOM, iyadoo tusaale loo soo qaatay howlgalladii ka dhacay Shabeellaha Hoose, halkaas oo ciidamada Soomaaliya ay weli ku tiirsanaayeen taageero dibadeed warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubaland, ay caqabad ku yihiin dhismaha ciidan qaran oo mideysan

ICG waxay sheegtay in Soomaaliya ay horey u dhistay heshiisyo amni oo laba geesood ah oo ay la leedahay Uganda, Kenya iyo Itoobiya, taas oo suuragal ka dhigaysa in ciidamo ka socda dalalkan ay sii joogaan Soomaaliya xitaa haddii AUSSOM hoos u dhaco ama uu dhammaado warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay doorka sii kordhaya ee Türkiye, oo tababaray kumannaan askari Soomaaliyeed isla markaana Soomaaliya ka taageera dhinacyada milatari, iyo Mareykanka oo sheegay inuu sii wadi doono howlgallada uu si gaar ah uga fuliyo Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab

ICG waxay sheegtay in haddii taageerada UNSOS ay dhammaato, ay adkaan karto in AUSSOM ay sii waddo hawlgalkeeda qaabkii hore, Waxay xustay in meelaha qaar ee ay ciidamada AUSSOM ka baxaan ay u nuglaan karaan weerarro iyo dib-u-qabsasho ay sameeyaan Al-Shabaab, iyadoo tusaale ahaan loo soo qaatay qaybo ka tirsan Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe

Warbixintu waxay sheegtay in magaalooyin iyo waddooyin muhiim ah ay u baahan doonaan qorshe gaar ah oo lagu ilaalinayo, iyadoo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa dalalka ay heshiisyada laba geesoodka ah la leedahay dowladda Federaalka ay door ka qaadan karaan, International Crisis Group waxay ku talisay in dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah ay si degdeg ah u diyaariyaan qorshe cusub oo amni, ka hor inta aan UNSOS si buuxda u dhammaan

Warbixintu waxay sheegtay in iskaashi ku saleysan heshiisyo laba geesood ah uu Soomaaliya siin karo waqti ay ku xoojiso ciidamadeeda, balse uu sidoo kale leeyahay khataro haddii aan si wanaagsan loo isku dubbaridin, ICG waxay ka digtay in xiriirrada amni ee kala duwan ay keeni karaan in dalka loo kala qaybiyo aagag saameyn oo kala duwan, haddii aan la helin hannaan qaran oo mideeya ciidamada iyo qorshayaasha amni

Ugu dambeyn, warbixintu waxay sheegtay in mustaqbalka fog xal waara uu ku xiran yahay awoodda dowladda Soomaaliya ay ku dhisan karto ciidan qaran oo si madax-bannaan u qaadi kara mas’uuliyadda amniga dalka, iyadoo sidoo kale loo baahan yahay in la xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha

Post a Comment

0 Comments