Bayaan kooban oo ay soo saareen kooxda madaxweynihii
Bayaan kooban oo ay soo saareen kooxda madaxweynihii hore ee Koonfur Galbed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa waxaa looga hadlay xaaladda weli ka taagan maamulkaasi, gaar ahaan bannaanka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay Afhayeenka kooxda Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook-ga ayaa beeniyay
Wararka sheegaya in Lafta-gareen uu aqbalay xabad-joojin
Wararka sheegaya in Lafta-gareen uu aqbalay xabad-joojin laga sameeyo Koonfur Galbeed, wuxuuna meesha ka saaray in heshiis uu la gaaray shaqsiyaad ku howlan xalinta xiisadda taagan ma jiraan wadahadal go’aan looga gaaray xabad joojin oo shaqsiyaad iyo Madaxweynaha DKGS Mudane Abdiasis Hassan Mohamed Laftagareen,” ayuu yiri afhayeenku
Ugaas Xasan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay sii wadi
Ugaas Xasan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay sii wadi doonaan howlgalka, isla markaana ujeedkooda uu yahay inay xoreeyaan Koonfur Galbeed, sidoo kalena ay gacantooda kusoo celiyaan, sida uu hadalka u dhigay halganka iyo dib u xoreynta deegaanada KGS wuu sii socon doonaan ilaa laga xoreeyo dakeenuna gobonimadooda iyo sharfkoodu gacantooda kusoo laabto insha allah,” ayuu sii raaciyey Ugaas Xasan
Hadakan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ay dagan tahay xaalada Koofur Galbeed, inkastoo weli ciidamada labada dhinac ay isku horfadhiyaan duleedka magaalada Baydhaba oo ay horay uga dhaceen dagaallo kala duwan
Dowladda Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed ayaa hadda abaabul ka wada Baydhaba oo ciidamo badan la geeyay, halka ciidanka daacadda u ah Lafta-gareen ay joogaan xeryahooda, halkaas oo ay ka wadaan dhaq-dhaqaaq culus

0 Comments