NISA oo sheegtay in hawlgal ka dhacay Shabeellaha Dhexe lagu dilay horjooge iyo saddex xubnood oo Al-Shabaab ah

Shabeellaha Dhexe

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya

 Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in ciidamadeedu, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka, ay hawlgal qorshaysan ka fuliyeen deegaannada Guulane iyo Al-Furqaan ee gobolka Shabeellaha Dhexe Sida lagu sheegay war kasoo baxay NISA

Hawlgalka ayaa lagu dilay horjooge iyo saddex

Hawlgalka ayaa lagu dilay horjooge iyo saddex maleeshiyaad ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka mid kale lagu dhaawacay NISA waxay sheegtay in hawlgalku dhacay xilli xubnaha la beegsaday ay kasoo baxeen kulan ka dhacay deegaanka Guulane hay’addu waxay magacawday horjoogaha la dilay inuu ahaa Cumar Siyaad Caraaye, kaas oo, sida ay sheegtay

Al-Shabaab u qaabilsanaa arrimaha qabaa’ilka

Al-Shabaab u qaabilsanaa arrimaha qabaa’ilka iyo xiriirka uu kooxda la leeyahay qaar ka mid ah beelaha dega gobolka Shabeellaha Dhexe sidoo kale, NISA ayaa sheegtay in hawlgalka lagu dilay laba dagaalame oo watay mootooyinka ay saarnaayeen horjoogeyaasha iyo qof kale oo ilaalo u ahaa

Cabdi Maxamed Nuur, oo NISA ku sheegtay inuu ka tirsanaa horjoogeyaasha kooxda u qaabilsan dhinaca qabaa’ilka, ayaa lagu dhaawacay hawlgalka, sida lagu sheegay warbixinta Hay’addu waxay intaas ku dartay in bartilmaameedyada ay si dirqi ah uga badbaadeen Cabdullaahi Cali Caraaye iyo Cabdi Daalane, oo ay ku tilmaantay xubno ka tirsanaa horjoogeyaasha la beegsaday

NISA waxay sheegtay in hawlgalladan ay qayb ka yihiin howlgallo joogto ah oo lagu beegsanayo hoggaanka iyo shabakadaha Al-Shabaab, iyadoo ujeeddadu tahay, sida ay hay’addu sheegtay, in la wiiqo awoodda kooxda ee abaabulka iyo weerarrada ka dhanka ah shacabka, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa sidoo kale ugu baaqday shacabka inay la wadaagaan hay’adaha amniga xog kasta oo la xiriirta dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab iyo Daacish

Post a Comment

0 Comments