Maanta, marka ay xulka England ay garoonka Wembley
Maanta, marka ay xulka England ay garoonka Wembley kula kulmaan xulka qaranka Spain, kulanka furitaanka ee koobka loo yaqaan Nations League, taageerayaasha xulkan lagu naanayso Saddexda Libaax, waxaa ay ka sii wewerayaan inay dib ugu soo laabato xusuus guuldarro ah oo ay marar badan la kulmeen kulankan waxa uu dhacayaa saddex bilood kaddib markii England ay si xanuun badan u beerdarraysay fursaddii ay Spain kula ciyaari lahayd finalka Koobka Adduunka, kaddib markii Argentina ay semi-finalka ku reebtay
Haddii England ay Argentina ka gudbi lahayd
Haddii England ay Argentina ka gudbi lahayd, waxay Spain kula ciyaari lahaayeen ciyaarta kama danbaysta ah ee Koobka Adduunka, taas oo noqon lahayd ku celiskii kulankii Euro 2024 oo ay England markaas Spain kaga adkaatay dhibaatada xulka England ayaa badanaa ah in marka laga hadlayo kulammada ay Ela ciyaaraan xulalka ku jira tobanka ugu sarreeya qiimeynta FIFA, rikoodhkoodu uu yahay mid aan wanaagsanayn 15-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaareen xulalka ku jira tobanka ugu sarreeya adduunka, England waxay badiyeen lix kulan oo keliya
Saddex ka mid ah lixdaas guulood waxay ka dhacday
Saddex ka mid ah lixdaas guulood waxay ka dhacday tartamada waaweyn. Waxay Denmark kaga badiyeen ciyaartii afar dhammaadka ee Euro 2021, Netherlands-na isla afar dhammaadkii Euro 2024, halka ay France kaga badiyeen kulankii kaalinta saddexaad ee Koobka Adduunka xagaagan guushii ay France ka gaadheen kulanka kaalinta saddexaad waxay ahayd guushii ugu horreysay ee Thomas Tuchel, tan iyo markii uu noqday tababaraha England, uu ka gaadho xul ku jira tobanka ugu sarreeya adduunka sidoo kale, guushii ugu horreysay ee uu ka gaadoh xul ku jira 20-ka ugu sarreeya waxay timid kulankii furitaanka heerka guruubyada Koobka Adduunka, markaas oo England ay Croatia ka badiyeen

Lix guulood oo keliya in ay kaa gaadheen 15 kulan oo ay la ciyaareen cxulalka tobanka ugu sarreeya ma aha rikoodh ku filan xul higsanaya inuu ku guuleysto tartamada waaweyn laba ka mid ah guulahaas waxay England u horseedeen inay gaadhaan finalka Euro 2020 iyo Euro 2024. Mid kale wuxuu ahaa kulankii kaalinta saddexaad ee Koobka Adduunka, halka laba ay ahaayeen kulamo isreebreebka ee Koobka Euro ah oo ay la ciyaareen Talyaaniga oo ku jiray isna xaalad hoos u dhac ah. Guusha kale waxay ahayd mid ay Belgium kaga gaadheen Nations League lix sano ka hor
Marka si gaar ah loo eego kulamada ay la ciyaaraan xulalka ugu sarreeya, tirakoobyadu waxay muujinayaan in England ay aad ugu dhibtoodaan in ay ka adkaadaan xulalka heerkaas ah, gaar ahaan Koobka Adduunka tan iyo 1998, England waxaa laga reebay dhammaan toddobadii jeer ee ay wareegyada Koobka Adduunka kula kulmeen xul ku jiray tobanka ugu sarreeya qiimeynta FIFA 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee Koobka Adduunka ee ay England la ciyaartay xulal ku jira tobanka ugu sarreeya, hal guul oo keliya ayay gaadheen. Waxay ahayd kulankii heerka guruubyada ee Koobka Adduunka 2002, markaas oo ay Argentina ka badiyeen

0 Comments