Dagaal culus ayaa saakay ka socday magaalada Baydhabo
Dagaal culus ayaa saakay ka socday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed ee taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ay gaareen deegaanka Afar Irdoodka oo ku yaalla bartamaha magaalada
Ilaa hadda ma cadda sida ay ciidamadaasi ku gaareen
Ilaa hadda ma cadda sida ay ciidamadaasi ku gaareen deegaanka, iyo in ay la wareegeen goobo ama fariisimo ay halkaas ku leeyihiin ciidamada dowladda federaalka sidoo kale, lama hayo war rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaallada, iyadoo xaaladda goobaha lagu dagaallamay iyo heerka uu gaarsiisan yahay iska horimaadku ay weli mugdi ku jiraan
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Baydhabo geysay
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Baydhabo geysay ciidamo badan, sida ay sheegeen ilo ku sugan magaalada. Ciidamadaasi ayaa la sheegay in loo diray magaalada si ay u taageeraan una difaacaan maamulka uu hoggaamiyo Aadan Madoobe dhinaca kale, wasiirkii hore warfaafinta Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan, ayaa qoraal uu ku baahiyay Facebook ku sheegay in ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ee taabacsan Laftagareen ay weerareen fariisimo ay ciidamada federaalku kusugnayeen
Wuxuu sidoo kale ugu baaqay dadka ku nool Baydhabo inay guryahooda ku nagaadaan, sababo la xiriira xaaladda amni iyo dagaallada socda ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka deegaanka ama xarumaha caafimaadka Baydhabo oo xaqiijinaya tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay dagaallada, iyo sidoo kale haddii ay jiraan dad rayid ah oo barakacay ama guryo waxyeello soo gaartay
Xaaladda magaalada ayaa weli kacsan, daryanka rasaasta ayaa wali la maqlayaa wixii warar ah ee kusoo kordha halkaan isha ku haay

0 Comments