Ciidamo duulaan ah oo ka baxay Luuq iyo Dooow, kuna jeeda

Luuq iyo Dooow

 Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya

 Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laa dareemayo aagga degmada Beledxaawo ee gobolkaasi, kadib markii halkaas laga dareemay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo guddoomiyaha degmada Beledxaawo Cabdicasiis Xareed Cabdullaahi oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa sheegay in xaalad cusub ay kasoo korortay degmada, ayna ka war heleen duulaan uu sheegay inay soo qaadeen ciidamo ay hoggaaminayaan saraakiil ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya

Xareed ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadaas oo duulaan ah

Xareed ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadaas oo duulaan ah ay kasoo baxeen magaalooyinka Luuq iyo Doolow, kuna soo wajahan yihiin degmada Beledxaawo, si ay beegsadaan xerayaha ciidamada ee ku yaalla halkaasi “Waxaa jira oo cusub maanta ciidan niman saraakiil ah wataan oo ka yimid Doolow illaa Luuq oo duulaan ku ah bulshada Beledxaawo iyo xeryaha ciidamada, sababtana aan la garaneyn hadda kahorna aan ka hadalnay arrin noocaas oo kale inay suuragal tahay,” ayuu yiri Xareed

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in haatan colaad cusub

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in haatan colaad cusub laga dareemayo Beledxaawo, isaga oo arrintaas ku eedeeyay dowladda Soomaaliya oo weli khilaaf uu kala dhexeeyo Jubbaland waxaan bulshada Beledxaawo u sheegeynaa in ay jirto colaad cusub oo ka timid Doolow iyo Luuq wadaan rag saraakiil ah oo ka amar qaadanayaa wasiirka amniga iyo rag kale, annaga oo horay uga dignay arrintaas,” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha degmada Belexaawo 

Waxaa kale uu intaas sii raaciyay “Colaad ma rabno nabad baa rabnaa in laba wiil oo dambe ay isku dhintaan ma rabno waxaana raggaas ugu baaqeynaa inay ka fogaadaan wax kasta oo suuragelinaya inay colaad mar labaad ka qaraxdo degmada Beledxaawo xiisaddan cusub ayaa kusoo aaday, xilli dhawaan ay heshiis gaareen Cabdirashiid Janan oo la safnaa dowladda dhexe iyo Jubbaland, kadib wada-hadallo ay yeesheen labada dhinac

Post a Comment

0 Comments