Ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed
Ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo saaka weerar ku qaaday degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa la wareegay gacan ku haynta degmadaasi oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed Dagaal qaraar oo ka dhacay gudaha Buurhakab
Kadib maleeshiyaadka u suuragashay inay si buuxda gacanta
Kadib maleeshiyaadka u suuragashay inay si buuxda gacanta ku dhigaan degmadaasi ooq qiyaastii illaa 60 KM u jirta magaalada Baydhaba, oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya sidoo kale, muuqaalo ku baahan baraha bulshada ayaa muujinayo wasiirro ka tirsan maamulkii Lafta-gareen oo ku sugan bartamaha magaalada, kuwaas oo qayb ka ahaa dagaalka ka dhacay halkaasi
Waxayna xaqiijiyeen inay la wareegeen maamulka degmada
Waxayna xaqiijiyeen inay la wareegeen maamulka degmada waxaa kale oo ay ciidamada Laftagareen soo bandhigeen maxaabiis ay sheegeen inay ku qateen dagaalkii saaka, balse ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijin kara sheegadaas, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga daareemayaa gudaha iyo daafaha degmada Buurhakaba ee gobolka Baay
Waa degmadii labaad oo todobaad gudihiisa u gacan gacan gasha ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), kuwaas oo Jimcihii la wareegay degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay oo iyana qiyaastii 90 KM u jirta magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed
La wareegidda degmooyinka Buurhakaba iyo Qansaxdheere ayaa kusoo aadeysa xilli maamulka Koonfur Galbeed uu wajahayo xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni, kuwaas oo la xiriira loollanka hoggaanka maamulka iyo dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan dhinacyada isku haya maamulka tallaabadan ayaa cadaadis hor leh ku abuuri karta hoggaanka siyaasadeed ee hadda ka jira Koonfur Galbeed, iyadoo xaaladda degmada iyo dhaq-dhaqaaqa ciidamada ay u baahan yihiin in si dhow loola socdo
Si kastaba, Ilaa hadda, ma jiraan faahfaahin madax-bannaan oo laga hayo qaabka uu garabka Lafta-gareen ugu suurtagashay la wareegidda degmada iyo halka ay ku sugan yihiin ciidamadii hore ugu sugnaa. Sidoo kale, ma jiro war rasmi ah oo laga soo saaray khasaaraha ka dhashay la wareegidda
Koonfur Galbeed ayaa horay uga digtay qorshaha ciidamada taabacsan Cabdicasiis Lafta-gareen, gaar ahaan inay weerarro ka fuliyaan deegaannada kale ee maamulkaasi, iyadoo sheegtay inay ku fashilmeen isku dayo ay ka sameeyeen magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay


0 Comments