Mucaaradka oo Maxkamadda Sare u gudbiyay dacwad xasaasi ah oo dastuurka cusub

Mucaaradka oo Maxkamadda

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa si rasmi ah

 Maxkamadda Sare ee dalka ayaa si rasmi ah u qabatay dacwad uu gudbiyay xubin sare oo ka tirsan Madasha Samatabixinta, taas oo ka dhan ah dhaqangelinta dastuurka cusub ee Soomaaliya iyo tallaabooyinka sharci ee ka dhashay Dacwaddan ayaa la xiriirta muranka ka taagan wax-ka-beddelka dastuurka iyo habka loo dhaqan-geliyay, iyadoo dacwooduhu uu ka horyimid sharciyadda dastuurka cusub iyo go’aannada ku saleysan, oo ay ka mid tahay muddo kororsiga hay’adaha dowladda

Maxkamadda Sare ayaa aqbashay inay gacanta ku dhigt kiiska

Maxkamadda Sare ayaa aqbashay inay gacanta ku dhigt kiiska, taas oo tallaabo muhiim ah u noqon karta dadaallada lagu doonayo in garsoorku go’aan ka gaaro muranka sharci ee ka dhashay dastuurka cusub Kiiskan ayaa kusoo aadaya xilli ay weli taagan yihiin doodaha siyaasadeed iyo kuwa sharci ee ku saabsan dastuurka cusub, iyadoo mucaaradka iyo xubno kale oo siyaasadeed ay su’aalo ka keeneen habraacyadii loo maray ansixintiisa iyo saameynta uu ku yeelan karo hannaanka dowladnimada dalka

Qodobada dacwadda ku jira waxaa ka mid ah diidmada

Qodobada dacwadda ku jira waxaa ka mid ah diidmada dhaqangelinta dastuurka cusub iyo raadadka sharci ee ka dhashay, gaar ahaan arrimaha la xiriira muddo kororsiga. Hase yeeshee, faahfaahin dheeraad ah lagama hayo qodobada gaarka ah ee mucaaradku horgeeyay Maxkamadda Sare iyo doodaha sharci ee uu ku saleeyay cabashadiisa

Qabashada dacwaddan ayaa si dhow isha loogu hayaa, maadaama go’aanka kasoo baxa Maxkamadda Sare uu saameyn ku yeelan karo doodaha sharci ee ku saabsan dastuurka iyo tallaabooyinka siyaasadeed ee la xiriira Weli lama shaacin waqtiga ay maxkamaddu bilaabi doonto dhageysiga dacwadda ama muddada ay qaadan karto Maxkamadda Sare ayaa hore u gaartay go’aanno la xiriira murannada siyaasadeed iyo kuwa doorashooyinka

Waxaana ka mid ahaa go’aan lagu laalay natiijadii doorashadii ka dhacday dowlad-goboleedka Galmudug go’aankaas ayaa tusaale u ah doorka ay maxkamaddu ku leedahay xallinta khilaafaadka qaarkood ee ka dhasha hannaanka doorashooyinka iyo maamulka dalka

Si kastaba, waxaa la sugayaa tallaabooyinka xiga ee Maxkamadda Sare ee ku aaddan dacwaddan iyo go’aanka ay ka gaari doonto cabashada laga keenay dastuurka cusub, oo haatan dowladdu ku howlan tahay dhaqan-gelintiisa

Post a Comment

0 Comments