Farmaajo oo dalab xasaasi ah u diray beesha caalamka kadib tallaabadii Xasan Sheekh

Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Farmaajo

 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo war-sxaafadeed soo saaray ayaa u jawaabay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay isku hayaan arrimaha siyaasadda, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka dalka Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in hadalladdii u dambeeyay ee uu jeediyay Madaxwynaha ay muujinayaan damaciisa gurracan ee ku aaddan xukun maroorsiga iyo hurinta colaad sokeeye, sida uu hadalka u dhigay

Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyay inuu ka baxay wada-hadalladii

Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyay inuu ka baxay wada-hadalladii ay garwadeenka ka ahayd beesha caalamka ee lagu doonayo in heshiis looga gaaro khilaafka taagan ee ka dhashay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka oo ay weli isku hayaan dowladda iyo mucaaradka in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaday uu ka laabto wadahadalladii muddada socday ee beesha caalamku ay garwadeenka ka ahaayeen

Kana baxay heshiiskii ku saabsanaa in aanu qaban karin

Kana baxay heshiiskii ku saabsanaa in aanu qaban karin doorasho heer federaal ah oo aan heshiis lagu ahayn waxa ay caddayn u tahay in aanu diyaar u ahayn wadatashi iyo hannaan loo dhan yahay, yoolkiisuna yahay wakhti dheeraysi uu ku hirgelinayo doorasho uu natiijada qorto,” ayuu yiri Farmaajo dhinaca kale, wuxuu farriin culus u diray beesha caalamka oo uu ugu baaqay in aysan mar danbe ku kadsoomin Madaxweyne Xasan Sheekh

Isaga oo tilmaamay in aysan jirin niyad wanaag iyo rabitaan dhankiisa ah oo lagu gaari karo doorasho daah-furan oo loo dhan yahay saaxiibbada taageera Soomaaliya ee ku howllanaa xallinta khilaafaadka doorashada waxaan ugu baaqaynaa in aysan mar danbe ku kadsoomin baaqyada heshiiska iyo wadahadallada ee uu soo gudbiyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu uu dhammaaday, maadama aysan jirin niyad wanaag iyo rabitaan dhankiisa ah oo lagu gaari karo doorasho daah-furan oo loo dhan yahay,” ayuu sii raaciyay

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo toddobaadkii hore Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka uu shaaciyay jadwalka doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo tan Madaxweynaha, kaas oo ay si cad u diideen siyaasiyiinta mucaaradka ee sida wayn uga soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya

Post a Comment

0 Comments